Murashixiinta Waddani Iyo KULMIYE Oo Boggaadiyay 40-guurada Xorriyada Djibouti

0
659

Hargeysa(Geeska)-Murashixiinta xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shacabka iyo dawladda reer Djibouti ku bogaadiyay munaasibadda 40guurada ka soo wareegtay markii ay Djibouti xorriyadeeda ka qaadatay Faransiiska. Cirro iyo Muuse ayaa arrintan ka hadlay iyagoo ku kala sugan Hargeysa oo Somaliland caasimadeeda ah iyo Jidda oo ah dalka Sucuudiga.

Muuse

Musharaxa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi ayaa Jabuuti ku bogaadiyay dabaal-degga sannad guurada 40aad ee ka soo wareegtay qaadashada xorriyadeeda, waxaanu Jabuuti iyo Somaliya ku tilmaamay jaarar midna Somaliland uu dab ka soo gaadho midna nabad iyo barwaaqo, waxaanu arimahan kaga hadlay xaflad xus ah oo Hargeysa loogu qabtay maalinta ay xoriyada qaadatay dawlada Jabuuti.

Muuse Biixi oo is barbar dhigaayay Jabuuti iyo Somaliya waxa uu yidhi"Somaliland hadaanu nahay waxanau Jabuuti ku hanbalyaynaynaa horumarka ay gaadhay  iyo nabada iyo dhaqaalaheeda horumaray, waa jaarkayaga oo hurmaray wax ayaaba kaa soo gaadhaya jaarkaaga oo horumaray, haddii guriga kugu xigaa gubanaayo dabkiisa ayaa ku soo gaadhaya laba jaar oo Soomaaliyeed ayaanu leenahay hadaanu nahay Somaliland midi waa jabuuti oo Soomaali iyo Canfarba waa ay deganyihiin way barwaaqowday oo nabad iyo barwaaqo iyo nabad ayaa naga soo gaadhay midna waa Somaliya oo dab iyo kulayl ayaa ka socda oo dabkaas iyo kulaylkaas ayaa naga soo gaadhay, waxa wanaagsan inuu jaarkaagu horumaro oo barwaaqada wax kaa soo gaadhsiiyo."

Xafladan lagu xusaayay madaxbanaanida dalka Jabuuti oo lagu qabtay Hargeysa ayaa ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo asxaabta siyaasada.

Cirro

Murashaxa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiram Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Hanbalyo u diray Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo Ku hanbalyeeyay Xuska sannad guurada maalintii xorriyada uu qaatay dalkaasi. Md. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaayay munaasibad ka dhacday maagaalada Jidah wuxuu yidhi . "Munaasibado badan ayaa isku beemay, waxaynu ku jirnaa wali munaasibadii Ciida Islaamka oo aynu isku bogaadinayno, waxa iyana taagan oo Caawa aynu joogna Xuska 26-Ka June oo ah maalintii Somaliland xorowday, munasibadaasi mid weyn weeye oo aanay cid gaar ahi lahayn dhammaan rer Somaliland xasuus gaar ah u leh.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. "Waxaan sidoo kale halkan uga faa'idaysanaaya Dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo isna Maanta 27 June ay ku beegantahay sannad guurada malaintii uu xoroobay Hanbalyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha iyo shucuubta Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu walaalaha nahay". Sidaa ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).