Xisbiyada UCID iyo Waddani Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Wasiirka Madaxtooyada

0
577

labaHargeysa (Geeska)-Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ee ahaa in XIsbiyada Mucaaradku aanay waxba qaadi Ka qaadi karin Xukuumadda marka la gaadho 26/6/2015, oo ah wakhtigii loogu talagalay inay Doorashadu ku dhacdo iyo wakhitga uu ku eeg yahay muddo xileedka Xukuumaddan, waxayna labada XIsbi sheegeen in hanjabaada Wasiir Xirsi uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Masuulyiinta XIsbiyada Mucaraadka u hadlay oo kala ah Guddoomye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa ugu horeyn Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray),  jawaab kulul ka bixiyey hadalkaas Wasiir Xirsi  isaga oo sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu uu isticmaalayo awood aan awoodiisa ahayn, Madaxweynahana  talooyin sax ah aanu siinayn balse uu xilkiisa ilaashanayo, waxaanu tilmaamay in Talooyin iyo Warqad uu hore Madaxweynaha ugu gudbiyey in aanay gaadhin, oo xittaa aanu maqal, waxaanu xusay in Talooyinkaas uu u gudbiyey Madaxweynaha aanu helaynin Talooyin la mid ah oo Taladaas oo kale aanu Wasiirka Madaxtooyadu siinaynin.

 Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo isagu Shalay Shir jara’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa  sidoo kale waxa uu is barbar dhig ku sameeyey Doorashooyinkii uu hore u qabtay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha hadda taladda dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaanu iftiimiyey in Doorashooyinkaas uu qabtay Daahir Rayaale ay ahaayeen qaar si fiican u qabsoomay, oo wax dhiig ahi ku daadan, balse Doorashada qudha ee uu Axmed Siillaanyo uu qabtay uu Dhiig ku daatay, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya   “Madaxwaynaha Somaliland Anigu waxaan u gudbiyay Qoraal talooyin ah  oo aan  Ogahay inaanu maqal ayaan u Gudbiyay oo taladaydaas mid dhaanta inaanu helay oo Xirsi Siinayn Ayaan hubaa,Ninka weyne ee Madaxwaynaha ah ee yidhi muddo Xileedkii Shacabku ii doortay, Maalin ku darsan maayo,macnahu waxa uu ahaa haddaad I doorataan wax muddo kordhin ah samayn maayo,Doorashadana waxaan ku qabanayaa Wakhtigoodii,Wacadkaasna wuu ka baxay”.

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ”Xirsi iyo Colkiisa Markaan Leeyahay waa kuwa sida adoomaha uu haysto isagu inuu Wasiir ka dhigayo una haysata haddii ay ka hor yimadaana inuu Xilka ka qaadayo moodaya iyo qolo La yidhaa Wakiilada oo Hun-guri u raacay ayaa la yidhaa colka Xirsi,Dawladda Dhan ayaa ka hoos dhisan Madaxwayne Siillaanyo oo Xirsi Madaxwayne u yahay,Anaga Marka uu leeyahayna sidaas ayuu u jeedaa.

Mujaahid Cali Guray ayaa mar uu isbarbar dhig ku sameeyey Doorashooyinkii uu qabtay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Doorashadii uu Madaxweyne Siillaanyo qabtay ayaa  yidhi “Madaxwayne Daahir Rayaale dalka waxa uu ka qabtay Afar Doorasho oo aan dhibic Dhiig ahi ku daadan,isaga oo isna halkan Shacabkii ku laayay oo Maydku iyo dhaawacu yaalo ayuu Madaxwayne Siillaanyo ku yidhi waxaad tidhaah Doorasho Xor oo Xalaal ah ayaa dalka ka dhacday siday dadku u dagaan,hortu Maalintaas Hargaysa halkii Go’day dib umay soo noqon,

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Doorashada Soo Socota Wasiir Xirsi wuu u Midiyo Lisanayaa,isaga oo og Inuu dhiig Hore Afka u galiyay oo walina qoyan iyo Ka danbe ee haddii uu sii Joogana galin doono waanu uwada joogi haduu gaadho,Madaxwayne waxaan ku leeyahay Wasiir Xirsi oo kuu Wasiir ah iyo Lix iyo labaatanka juun ayay inoo tahay”.

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey taloooyin uu u soo jeediyey Madaxweynaha yidhi”Kor ayaanu madaxwayne kuula hadalnay Hoos ayaanu kuula hadalnay,Nasteex ayaanu kuu nahay Wadatashi ayaanu ogol Nahay,marka uu ku yidhaa waxaas oo dhan wasiir Xirsi diid,Anigaa inoo haya Ciidankii iyo Lacagtiiye,Wixii Dalka ka dhaca Madaxwayne adaa Masuul ka ah Xirsina Masuul ka Noqon Maayo”.

Mujaahid Cali Guray  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxwayne waxa kuu hadhay Bil kaliya waxaanu ogol Nahay inaanu kawada tashano muddo Dalkeena iyo marxaladan cusub ee ka danbaysa muddo Xileed Kaaga dhamaadkiisa Xirsina Ma ogola,ama Xirsi ayaad raacaysaa Madaxwayne ama Somaliland”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed oo isna jawaab ka bixiyey hadalka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay "Waxa aan aad uga xumahay in dareen dadka, iyo Codka Shacabka reer Somaliland ay ku cabireen xaalka dalka iyo Xukuumadda uu wakhtigeedu sii gabaabsiga yahay, uu Wasiir Xirsi iyo Xukuumaddiisu ay u micnaystaan mid hanjabaad ah, waxana aan leeyahay mud. Wasiir, ma jirto cid kuu hanjabaysaayi ee Shacabku waa shacabkii Madaxweyne Siillaanyo doortay, isaga ayaanay la hadlayaan oo ay leeyihiin wakhtigaagii waa dhamaaday ee noo cadee aminta ay Doorasho dhacayso, jawaabtaasna, Shacabku kama sugayaan Mucaaridka, kama sugayaan Komishanka, kamana sugayaan Wasiiradda ee waxa ay ka sugayaan waa Madaxwaynahii ay doorteen

Guddoomiye ku xigeenka Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi" Waan ogahay in aydaan jeclaysanayn maqalkooda, balse waxa aan idin xusuusinayaa in dalku uu sharci leeyahay, in mudadii la idin doortay ay ahayd Shan Sanno oo sii dhamaanaysa, waxa aan leenahay wakhtigiinii waa dhamaaday, ma ogolin wax muddo kordhin la yidhaa, Doorasho ayaanay dadku diyaar u yihiin, Dunida Caalamkuna diyaar u tahay, Deeq bixiyayaashuna ay sugayaan inay taageeraan ee ogsoonaada"

Axmed Muumin  Seed, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi Wasiir Xirsi waxa uu yidhi dalka nimco ayaa fadhida, balse xaalku sidaas ma aha, waan ognahay in duruufo adag oo qalafsan oo dhinaca nolosha ahi ay dadka dalka oo dhan wada taabteen maanta, waan arkaynaa halka ay nabadgalyadu marayso iyo sida looga dayrinayo, waan ognahay in xuduudihii dalka la xidhay, oo ay u dambaysay xadka Lawyacado, waxaas oo dhan waa hubaal iyo xaalka dalka ee Maanta ee uu Wasiirku ku tilmaamay mid ay nimco fadhido, markaa waxa aan leeyahay waa nasiib daro in nolosha qoyskiisa iyo inta la shaadhka ah ee ay indhihiisu arkaan uu ku cabiro xaalka dalka…Wasiir dalka war uma hayside ka wardoon ayaan ku leeyhay"

Guddoomiye ku xigeenka Waddani ayaa r uu la hadlaayey Madaxweynanha yidhi"Maaha Wasiiradda, maaha Xukuumadda kale, ee dadka reer Somaliland, waxa ay ka sugayaan inuu qanciyo oo uu la hadlo waa Madaxwaynahii ay doorteen, waxana loo baahan yahay in dadka loo sheego mudada ay Doorashadu qabsoomayso, waana dhawaaqaas xaqa ah oo kaliya mida ay Umadda reer Somaliland iyo Axsaabta Mucaaridka ahiba sugayaan, Madaxwayne muddadii lagu doortay way Dhamaatay ee Doorashada qabo ayaan ku leenahay"