“Doorashooyinka Ninka Maanta Wad-Waddaa Waa Nin Kicin Wadda, Doorasho Wakhtigeedii Ma Joogto. Haddii La Qaban Kari Waayo Markaasuu Qaranku Ka Tashanayaa”

0
620

one oneHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay walaaca ay mucaaradku ka qabaan in golaha guurtidu muddo kordhin u sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, haddii doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo.

Md. Saleban, oo shalay warbaahinta Hargeysa kula hadlay wuxuu sheegay in ninka wad-wada doorasho aan wakhtigeedii joogin uu yahay nin dadka kicinaya, isagoo sheegay in haddii doorashadu qabsoomi weydo laga tashan doono lana mari doono dastuurka iyo shuruucda qaranka.  “Doorashooyinka maxaan ka odhan lahaa. Doorashooyinka ninka maanta wad-waddaa waa nin kicin wadda, doorasho wakhtigeedii ma joogto. Marka la gaadho wakhtigeeda haddii la qaban kari waayo markaasay leedahay ka tasho, laakiin maanta waxan aan arkayaa ee jaraa’idkii iyo mucaaradkii wax walba lagu waashay aniga iima taalo golahaygana uma taalo.” Ayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtidu, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyay “waxaanu arkayaa uun nin wax duqlaalinaya iyo nin doonaya codkaaga hala maqlo. Dee hala gaadho, haddii la qaban kari waayo [doorashada] markaas qaranku wuu tashanayaa wadadiisana wuu yaqaan qaranku uu u maro, distoor ayuu leeyahay, sharciyad ayuu leeyahay, dastuurkaas iyo sharciyada qaranka u taal uun baa loo raacayaa. Ninkii wax kale ku riyoodaa isagaa cirka caano ku og, maxaa looga qabayaa saska.”

Ugu dambayn wuxuu guddoomiyaha golaha guurtidu cadeeyay inaanay guddiga doorashada iyo madaxweynuhu toona golihiisa guurtida u gudbin inaanay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayn “Guddigii doorashadu annaga waxba nama odhan, madaxweynuhu waxba nama  odhan. Marka ay xaggaas ka soo dhammato ayuun bay timaadaa guurtida, dee hala gaadho.” Ayuu yidhi.