Xisbiyada UCID Iyo Wadani Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xayiraada Wargeyska Hubaal

1
607

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani ayaa cambaareeyay xayiraadda ay xukuumadda Somaliland saartay Wargeyska Hubaal, oo ka mid ah wargeysyada madaxabanaan ee ka soo baxa Hargeysa.

Wadani iyo UCID waxa ay xukuumadda ugu baaqeen inay dhowrto madaxbanaanida saxaafadda islamarkaana ay ka dayso cabudhinta ay ku hayso.

Guddoomiye xigeenka xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa sheegay inay xukuumadu doonayso inay saxaafadda madaxabanaan ee dalka u rogto Wargeyskii Xidigta Oktoobar ee dawladii Siyaad Barre iyo idaacadiisii Radio muqdisho, waxaanu xukuuamdda ku cambaareeyay xayiraadda ay Wargeyska Hubaal saartay.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Wadani Md. Maxamed Xassan Dirir ayaa isaguna si kulul u cambaareeyay xayiraadda Hubaal.   “Xayiraada lagu soo rogay Wargeyska Hubaal iyo waliba Cabudhinta Mudooyinkii u danbeysay Xukumada Madaxweyne Axmed Siillanyo ay ku haysay Warbaahinta madaxbanaan waa mid aan loo dulqadan Karin oo Ka Wadani ahaa aanu Canbaareynayno, Runtii iyada oo la ogsoona in weerar qaawan lagu qaaday wargeyska Hubaal, oo ay weeraren xubno labisan direyska Booliska ee Somaliland, isla markaan shaqaalihii wargeysku ay qabteen ninkii falkaasi ka danbeyey oo dabadeetana ay u dhiibeen Xukumada, isla markaan aan waxba laga qaban, oo aan maxkamad la horkeenin, oo ay xukumadu ka gaabsatay in ay wax ka qabto arintaasi, iyada oo wargeyska Hubaal dhibanayaal u ahaa weerarkii loo geystay ee dhaawaca iyo isku dayga dilba ahaa,  ayaa hadana xayiraad lagu soo rogay, taasi oo u muuqata in ay xukuumadu daah ku saarayso oo ay ku qarinayso dhibaatadii iyo weerarkii wargeyska hubaal hore loogu geeystay.”Ayuu yidhi.

 Wax kale oo intaasi ku daray “Waxay Xukumada Madaxweyne Siillanyo Doonaysa in Bulshada reer Somaliland dhagaha qabtoo oo aanay dadku waxba maqal, waxay meesha ka saaraysaa madaxbanaanidii saxaafada iyo xoriyatulqalka iyada oo u adeegsanaysa awooda Dawladnimo, iyada oo doonysa in maalinba wargeys Albaabada u laabto arrintaasi mid la aqbali karo ma ah , Madaxweyne markii aad Doorashada ku jirtay waxad ku celcelin jirtay Saxaafada Xoriyadeeda ha la ilaaliyo, waxanuna Aaminsanahay in haddii aanay saxafadu ku raacin, aanad kursiga fuusheen, Shallay wax la ogaa in Xukuamda Siillanyo ay sameystay Idaacad aan dalka laga ogoley, hadana Maanta in aad  xidhaan  qofkii juuq yidhada daw ma ah.”Ayuu yidhi.

Comments are closed.