Xisbiyada Mucaaradka Oo Si Adag Uga Hadlay Suldaanka Buuraha Ku Jira, Kuna Baaqay In Ciidamada Laga Dulqaado Awdal

0
473

Picture7Hargeysa(Geeska):-Xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa si adag uga hadlay xaalada ka taagan gobalka Awdal ee ku wajahan hadalkii ka soo yeedhay mid ka mid ah madax dhaqameedkii gobalkaasi oo isagu ku dhawaaqay in uu ka goostay Somaliland, waxaana ay xukuumada ugu baaqeen in ay ka soo dulqaado ciidamada ay gobalkaasi gaysay.iyaga oo sida oo kalena carbaka ku dhuftay in aan loo baahnayn in arrintaas la buun buuniyo oo wasiiro fara badan loo diro.

Murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxaana ay tilmaameen in loo baahan yahay in laga war sugo waxii ay arrintaasi ku dhameeyaan madax dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal.

Eng:Cabdirashiid Xasan Mataan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in hadalka uu suldaanku ku dhawaaqay ee ah in uu ka goostay Somaliland ay ka keentay cadho ku jirtay, waxaana uu sheegay in suldaanku uu ku baaqayo sidii loo sixi lahaa waxii ka qaldan qaranka Somaliland, oo ay jiraanba uu yidhi tabashooyin aad u badan.

"Suldaanku hadalka uu yidhi waa hadal cadho ku jirto, waa hadal u baahan tix galin, Somaliland ka bixitaankeedu, waxaa uu noqon doona wax intaa ka balaadhan, haddii ay umadda ka soo go'do oo ay noqoto in shacbigu isku qanciyo, in ay Somaliland ku sii jiraan iyo in aanay ku sii jirin oo ay ka tashadaan, dee waaba gogol Somaliland wada fadhido ayaa lagaga tashan taa, Somaliland waa meel aynu wada leenahay anigu qof ahaan waxaan qabaa Somaliland in ay jirto, shacbiga reer Awdal-na intooda badan waxaa ay qabaan in ay Somaliland jirto, marna ma taageerayo, Somaliland kala go'eeda, Somaliland wada jirka ayey wax ku tahay, gobalka Awdal-na shalay ayaa uu hogaaminaayey dalka, xukuumadii uu hogamainaayey daahir riyaale tabasho ayaa laga keenayey qudheeda oo waa laga cabanaayey,tabashadu mar walba waa ay jireysaa, marba dhinac ayey ka imanaysaa”Ayuu yidhi Eng:Cabdirashiid Xasan Mataan.

Murashax ku xigeenka madaxweynaha ee xisbiga UCID, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:“Waxaan meesha qaban marnaba xukuumad iyadii doonaysa in ay dalka khal khal ka abuurto, Bari ayaa aynu ognahay waxii ka dhacay, gudaha ayaa aynu ognahay sida ay wax uga jiraan, haddii laba caruur ahi soo baxaan oo ay yidhaahdana dareen ayaanu muujinaynaa xabad ayaa lala dhacayaa dadka,meeshan cidna xoog laguma haysan karo, xukuumada waxan u sheegayaa, way qaldan tahay ciidankan ay meel walba dhoobayso oo ha ka kaxayso meesha. Ta labaad dadkii gobalku iyaga ayaa isu maqan, iyaga ayaa ay talo dhex taala, in la daayo, haday soo dhaaftana gola guurti ayaa aynu leenahay oo odayaasha dhaqanku ay wada hadlaan, qaabkii loo wada hadlaayey gogoshoodiina in la fidiyo ayey tahay.Suldaanku waa suldaan kaygii marka loo sii kala tago waliba, anigu waxaan leeyahay shalayna waan idhi Janan ciidan maaha Suldaanku, hadalkiisa in la buun buuniyaa waa qalad, waxaa uu ku baaqayaa waa nabad, waxaa uu ku baaqayaa in wax inaga qaldan yihiin, in wax inaga qalda yihiina cid uu shaki kaga jiraa, ma jirto".

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDAI, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ayaan darro ay tahay iyada oo bariga Somaliland ay colaado ka taagan yihiin hadana lagu darro in colaado laga abuuro dhinaca galbeedka Somaliland.

"Somaliland qof kama goosto ama suldaan ha ahaado, ama cid kale ha ahaado, in la buun buuniyana maaha hadalka Suldaanku yidhi, waxaan u malaynayaa in waxa sidaas u eeg ay meelo badan ka dhaceen, oo ay siyaabo badan u dhaceen, aniga waxaa ay ila tahay Somaliland waxaa ay ku soo caano maashay waa wada tashi, wada hadal, waa in aan la kala tagin ee laysu dul qaato. Markaa dee Odeyga suldaanka ahi haddii uu dhawaaqo, waxaa hortaala dadka intiisii badnayd oo joogta oo nool oo dareenkooda leh oo cabiraysa, waxay ila tahay marka ugu horeysa in loo daayo in dadka deegaanka dagan ee gobalka Awdal in ay arrintaa ay dhameeyaan, haddii ay dhamayn kari waayaan waa arrin ku dhamaan karta Somaliland dhexdeeda. Uma arko arrin wasiiro loo diro, uma arko dee wasiiro gobalka Ajanabi ku noqonaya halka ay tagayaan, waayo dee Somalidu waxaa ay tahay ayaa lagu kabaa, mida labaad dee anigu uma arko in ciidamo loo diro oo suldaan hadlay ciidamo u diridood”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, oo ugu danbayntii hadalkiisa sii wata ayaa sheegay:“Waxaan u malaynayaa uun dee in markaa dadkii uun la kicinaayo, xukuumadan maanta jirtaana markii uu Daahir Rayaale uu ka tagaayey xilka, waxaa uu yidhi dal mid ayaan kaaga tagey. Inaga oo og colaada ka taagan bari haddii maanta lagu darro colaad kale oo iyaduna ka dhacda gobalka Awdal, waa ayaan darro, arrinka cagta ha loo dhigo, wasiiradu ha iska soo noqdaan, dadka reer Awdal ha laysu daayo, ha laga dhursogo, waxaanan u malaynayaa reer Awdal waxaa wax ka weyn in ay qaban karaan, dalkan iyo dadkana ay gashadeen wax intaas ka badan, oo aanay ahayn dad looga cabsoon karo qof dhawaaqay ama suldaan ha ahaado, cid kale ha ahaado"Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.