“Ma Jirto Dayn Laygu Leeyahay Iyo Cid Aan Weydiistay Inay Iga Bixiso”

0
528

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha iyo cilmi baadhista Md. Aadan Axmed Warsame, ayaa beeniyay inuu madaxweyne xigeenka Md. Saylici ka codsaday in dayn lacag ah oo lagu leeyahay uu ka bixiyo.

Wasiirkan hore oo dhawaan ku biiray xisbiga Waddani, ayaa warkan  ay warbaahinta qaar ka baahiyeen waxa lagu sheegay inuu madaxweyne xigeenka u dirsaday ergo ka bixisa dayn lacageed oo dhan toban kun oo Dollar oo lagu leeyahay. Hase yeeshe Md. Aadan Axmed Warsame, oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, ayaa beeniyay warkaas, “Ma jirto dayn laygu leeyahay, oo wadanka waxaaban joogay sannad aan xilka wasiirnimo hayay, nolol wanaagsana Alle mahadii waan ku jiraa. Markaas ma jirto dayn lagu leeyahay, mana jirto cid aan weydiistay inay iga bixiso iyo guddi aan madaxweyne xigeenka u dirtay si uu iiga bixiyo.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore, waxaanu intaas raaciyay, “Warkaas dacaayadda ah waxa faafiyay cid sharaftayda iyo sumcadayda dhaawacaysa, aniguna xisbiga Waddani waxaan ugu biiray mabda’ayga siyaasiga ah,mana jirto wax aan weydiistay, waxaanan cadaynayaa inaanan ka hadhi doonin.”

Mr. Aadan, wuxuu sheegay inuu wadanka muddo dheer ka maqnaa, “Waddanka muddo dheer ayaan ka maqnaa, markii aan soo noqdayna wasiir ayaan noqday, mana jiro qof keliya oo dayn igu leh oo shilin ii soo sheeganayaa.” Ayuu yidhi.