Xisbiyada Iyo Deeq-bixiyayasha Oo Ka Tashanaya Doorashada Iyo Diiwaangelinta

0
511

saddexHargeysa(Geeska)-Saddexda xisbi qaran,komishanka doorashooyinka iyo deeq bixiyayaasha ka taageera Somaliland arrimaha doorashooyinka ayaa yeeshay shir qaatay saacado badan oo albaabadu u xidhnaayeen.

Shirkaas ayaa lagaga wada hadlay sidii ay doorashooyinku wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaasna dalka diiwaangalintii codbixiyayaasha looga hir galin lahaa, waxaana sidaas warbaahinta si kooban ugu sheegay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran.

Ugu horayntii guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu warbaahinta si kooban ugu sheegay“Shirkani waa uu socdaa, marka uu dhammaado ayaanu wax idiinka sheegi doonaa,waxa laga wada hadlayaana waxa weeye sidii doorashadu ay wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd,waxaana meesha ku kulmaaya xisbiyada iyo qolyahii deeqbixiyayaasha ahaa,maantuu [shalay] bilaabmay ilaa caawana [xalay] waa uu soconayaa.”

Guddoomiyaha xisbiga Ucid  Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiisa warbaahinta u sheegay “Qolyihii deeq bixiyayaasha ahaa way noo yimaadeen walina go’aan maanu gaadhin marka arinku dhammaado ayaanuna warbaahinta wax u soo gudbin doonaa.”

Xoghayaha qorshaynta ee xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamed Cali ayaa isaguna dhankiisa yidhi“Shirbaa la galay waanu socdaa shirkii, ilaa caawana waa uu soconayaa(Xalay), runtiina waxa aanu warami doonaa marka uu dhamaado shirku,waxa laga wada hadlayaana waa doorashooyinka,diiwaangalinta iyo sidii looga wada hadli lahaa arimahan dalka ku soo socda.”

Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka dambe, waxaana jira culaysyo badan oo dalbanaya inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigaas loogu tallo galay.