Maayaradii Ceerigaabo Ku Shiray Oo Maanta Ku Soo Beegan Caasimadda

0
562

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maayaradii dalka ee uu shirku uga socday magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, ayaa maanta ku soo beegan magaalada Hargeysa, ka dib markii uu shirkoodii u soo dhammaaday. Waxay xalay u hoydeen magaalada Sheekh ee gobalka Saaxil.

Maayarada oo shirkoodii guddoomiyaha ururka dawladaha hoose ee dalka ugu doortay maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa barqada maanta ku soo beegan caasimadda Hargeysa, waxaana la filayaa in loo sameeyo soo dhawayn balaadhan.

Maayarka caasimadda Hargeysa ayaa mahadcelin u diray dadweynaha reer Ceerigaabo iyo guud ahaan reer Sanaag oo uu sheegay inay si diiran ugu soo dhaweeyeen magaalada Ceerigaabo iyo deegaanadii kale ee ay soo mareen.

Maayarada weheliya maayarka caasimadda Hargeysa intooda soo gaadhaysa Hargeysa, waxa ka mid ah maayarka Borama oo ah guddoomiye xigeenka ururka dawladaha hoose, maayarka Lascanod oo ah xoghayaha ururka, maayarada Saylac, Oodweyne iyo xubno kale.

Shirkaas ay maayarada dalku sannadkan ku qabsadeen magaalada Ceerigaabo ayaa noqday kii u horeeyay ee lagu qabto guud ahaan gobalka Sanaag, waxaana kala qayb galay madax ka socotay ururka dawladaha hoose ee bariga Afrika.