Mujaahid Xasan Guure Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inaanay Ku Mashquulin Xeer-hoosaadka Wakiiladu Samaysteen

0
439

guureHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha masha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilanyo ku eedeeyay inay sharciga ka talaabsatay,waxaanu ugu baaqay inay ku laabtaan tubta sharciga si ay dalka u hoggaamin karaan.

Waxa uu guddoomiye Xasan Guure ka hadlay cabudhinta xariyatul qawlka,waxaanu ugu baaqay golaha wakiilada inay hawlahooda shaqo sii gutaan isaga oo ka digay faro galinta xukuumaddu ay ku hayso xeer hoosaadka golaha wakiilada.

Waxa uu sidan ku sheegay mujaahid Xasan Guur waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya arimaha xoriyatulqawlka uu yidhi“Dalku sharci ma leeyahay mise qofba waa sida ay la noqoto, dalku hadduu sharci leeyahay marka qofka la qabanaayo  ama hantidiisa waa in sharciga loo soo maraa, waxaynu hadda arkaynaa taas mid ka soo horjeeda in qofku kolba waxa uu la soo tooso ee awoodiisu tahay ka u yar ilaa ka u weyn in masuul waliba waxii uu doono uu ku talaabsanaayo, goortii uu doono,taasina maaha wax umad dhaqa. Somaliland waxii ku dhacay shalay ee raadkeedii uu sii qoyan yahay in maanta sidii oo kale loo dhaqmaa waa ayaan daro.”

Xasan Guure, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Markii ololaha lagu jiray wixii dadka loo sheegay xoriyad la’aantan maaha oo waad ogtihiin oo waxaanu ku ololaynaynay warbaahinta in aan sidaas loo eegayn, haddana hadalkeedaba daa oo waxaynu maqlaynaa warbaahintii sida loo xidhxidhaayo,waxani waxii aanu ku ololaynaynay iyo waxii dadka loo sheegay midna maaha, ee su’aal ayaa is weyndiin leh oo aan horena isu waydiiyay, ma been ayuu madaxweynuu dadka u sheegayay markuu lahaa waxaas ayaynu samaynaynaa,oo waxaynu nidhaahnaa waa beenaale madaxweynihii,mise waxaynu nidhaahnaa caafimaadkiisii ayaan fiicnayn oo waxii qolyaha ku dhaw dhaw ay sheegayeen ee ay lahaayeen xaajigu xaajigaad modoeen maaha ayaa run ah.arintu siday doonto ha ahaatee waxaanu wixii madaxwaynuu uu balan qaaday maaha.”

Mujaahid Xasan Guure oo la weydiiyay sida uu u arko dhaqdhaqaaqa ay Puntland ka wado gobalada Bari, wuxuu yidhi “Arrinku waa sidii Siyaad Bare uun, iyada oo dalka dhinac dhan gubanaayo ayuu odhan jiray kubadbaa la ciyaarayaa,masuulka kalitaliska ah halka baahidu taalo iyo arimaha xalka u baahan indhihiisu ma arkaan,waxay arkaan waxii kursigiisa soo hadal qaada ama agmara uun, runtii inbadan ayaan is waydiiyaa dalkan aad joogtaa miyaanu ahayn kii wax aad ogayd loo soo maray.”

Guddoomiye Xasan Guure oo ka hadlaayay aragtisiida arrimaha ka socda golaha wakiilada waxa uu yidhi“Indhawayto runtii golaha wakiiladu aad iyo aad ayuu isku badalay,waxii loo doortay ayaanu ku talaabsaday,waxaana la damacsan yahay in xeerkii yaraa ee isagu uu isku maamulayay in loo yeedhiyo, waxaynuna ognahay sida dibada looga soo dhaaranayay iyo safarada la soo gaabiyay, waana nasiib daro in xukuumaddu ku mashquusho xeer hoosaadka golaha iyada oo baylahdeedii kaleba ay ka badantahay,waxay ahayd in ay is waydiiso dhibaatooyinka dalka ka taagan, ma maqalno shaqo la’aantaas wax ka hadlaaya, wax cadaalad darada ka hadlaaya ma maqalno,laakiin waxaan rajaynaynaa in wakiiladu aanay halkoodii hore ku noqon.”

Ugu danbayntii guddoomiyaha masha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, waxa uu digniin u diray xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Haddii sharcigu  I ilaalin waayo waxay noqonaysaa inaan anigu is ilaaliyo oo aan maro dariiqo kasta oo aan isku ilaalinaayo haddii qori lay soo qaato aan qori soo qaato, ilmaadeerayaalow waad ogtihiin in guri kasta uu hubkii yaalo dadkuna ma baqayaan ee waxay ixtiraamayaan dawlanimada, idinkaana haya maanta, dalka haynagu burburinina,waxaan leenahay u tudha dalkiina oo idinku isku tudha.Maanso Hadraawi lahaa ayaa tidhaahda (Nin hadduu mar kaga daro sida doorku ugu jiro,sida daranba loo yeel).wasiirka iyo madaxweynhu toona aniga qof ahaan iigama adka ee sharciga ayay igaga sareeyaan, ilaalinta kaas ayay dantu ugu jirtaa,hadduu diido kaas doorku ugu jiro oo uu sharciga ka soo talaabsado sida daran ayaa loo yeelayaa,waxay ku socotaa in sida daran hada loo yeelo.”