“Xisbigu Xeer Ayuu Leeyahay, Xeer Baanu Ku Dhaqmaa, Xisbiga Waan Wareejin Doonaa Oo Madaxweynenimada Waan Wareejin Doonaa”

0
3614

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay wareejinta guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxaanu ku doday in xisbigu leeyahay xeer uu ku dhaqmo.

Madaxweyne Biixi oo uu waraysi la yeeshay weriye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Universal Tv, wuxuu sheegay inaanu guddoomiyenimada xisbiga iyo madaxweynenimada aanu midna weligii sii joogi doonin. Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal ku saabsan wareejinta xisbiga, wuxuu yidhi “Xisbigu xeer ayuu leeyahay, xeer baanu ku dhaqmaa, xisbiga waan wareejin doonaa oo madaxweynenimada waan wareejin doonaa, oo midna intaan sii fadhiisto wakhtigii ay mudaysnayd ee ay lahayd ee xeerku dhigayay ku dhaafi maayo.”

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabaya sida uu u arko doodda ah inaanay shacabku ku wada qancin xukuumadiisa islamarkaana uu ka tagay dad badan oo KULMIYE saamayn ku lahaa, wuxuu yidhi

“Dee horta dawladayda in raali laga wada noqdaa suurtogal ba maaha, markaas waa runtaada, rag badan oo xisbiga iyo dawladda kulmiye ka mid ahaa oo miisaanka iyo garashadooda leh ayaa ka maqan, waxaynuse u baahanahay in ka’ yar la soo koriyo, anigu waxaan ka duulay fikrada ah in dalku u baahanyahay dhallinyarada.”

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda guud ee dalka “Xaaladda guud ee Somaliland way wanaagsantahay, marka hore waa nabad, jiidan aynu ku noolnahay ee Geeska Afriak waa iska hawlbadanyahay markaas horta waa nabad, roobkiina waa da’ay oo waa’ dhawayd abaar kulul ayaa na haysay oo dalka oo dhan caam ku ahayd, badankiisa dhulka Alle mahadii roob ayaa helay oo ha kala badnaando, meelaha qaar weli muu gaadhin, laakiin dalka intiisa badan dal dhameeye wuu wada gaadhay.”

Waraysigan uu weriye Hereri la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhammaystiran ayaa la filayaa in la  baahiyo dhawaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here