Wasaarada Maaliyada Oo Sare U Qaaday Sarifka Lacagta Ay Cashuurta Ku Qaadaan

27
3117

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sare u qaaday qiimaha ay sarifka lacagta kaga qaadan jireen alaabooyinka ay cashuuraan marka laga reebo Jaadka iyo Shidaalka oo iyaga aanay waxba iska badalin.

Qoraal wasiirku uu soo saaray oo lagu socodsiiyay guud ahaanba kastamada dalka waxa lagu sheegay in qiimaha sarifka cashuurta oo markii hore halka doolar lagu badali jiray shan kun oo lacagta dalka ah,  ayaa haatan lagu badalay badankoodii toddoba kun oo lacagta Somaliland ah.

Qoraalkan uu soo saaray wasiirka maaliyada oo nuqul ka mid ah uu wargeyska Geeska Afrika uu helay waxa uu u dhignaa sidan”Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2018 waxa wax ka badal lagu sameeyay sarifka cashuuraha badeecadaha iyaga oo markii hore isku dhawayn sarifka suuqa iyo ka badeecada lagu cashuuraa, ayna is dheeraayeen 100% laban laab haddaba si aynu ugu dhadhawaano xaqiiqda sarifka, iyada oo qiimo dhac uu ku yimi lacagta Shilinka Somaliland taas oo keentay inay kala fogaadaan lacagta sarifka suuqa iyo sarifka cashuuraha badeecaduhu, waxaanu wax ka badal ku samaynay sarifka cashuuraha badeecadaha marka laga reebo kuwan hoos ku cad.

1-Jaadka 2-Shidaalka

Iyada oo laga dhigay qiimaha sarifka cashuuraha badeecadaha marka laga reebo labadaas badeecadood ee xaga sare ku xusan sidan.

Faah Faahin                                                     Qiimihii Hore       Qiimaha Cusub

1-Sonkor,Daqiiq,Bariis,Baasto/makaroone             $1=5000 SL Shilin       $1=600 SL Shilin

2-Qiimaha sarifka cashuurta badeecadaha kale     $1=5000 SL Shilin      $1=7000 SL Shilin

Sidaas awgeed laga bilaabo maanta waxa laydin farayaa inaad ku cashuurtaan badeecadaha soo degaaya qiimaha cusub, marka laga reebo labada badeecadood ee aynu kor ku soo sheegnay.”

Go’aanan uu wasiirka maaliyaddu soo saaray ayaa shalay jaho-wareer ka abuuray dekedda Berbera iyo kastama Berbera, waxaanay ganacsato badani shalay hakiyeen inay cashuurtaan badeecadahoodii. Qaar ka mid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad u gudbinayaan Madaxweyne Muuse.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here