“Xisbiga WADDANI Waxay Yidhaahdeen, Saleebaan Cali Koore Gunno Ayuu Somaliland Ku Joogaa..” Wasiir Koore

0
505

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa  xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu gaf ka galay dadka daga bariga Somaliland kadib markii xogeeyaha guud ee xisbigaasi sheegay in wasiir Koore uu Somaliland kula joogo gunno ama laaluush.

“Xisbiga Waddani waxay yidhaahdeen Saleebaan Cali Koore gunno ayuu Somaliland ku joogaa, waxay gaf ka galeen dadka daga gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer, oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ku yihiin qof xil haya ama gunno qaata” ayuu yidhi wasiir Koore.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Somaliland u shaqaynayay tan iyo markii ururkii SNM la wareegeen talada sanadkii 1991-kii, isla-markaana uu ka qayb-qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Somaliland “Haddaan taariikhda dib ugu laabto Somaliland shaqadeeda waxaan bilaabay 1991-kii, ciddii ugu horaysay ee aanu shaqo wada bilownay markii SNM dalka soo gashay 4 cisho ka bacdi Maxamed Kaahin ka halka soo fadhiya ayaa kow ka ah, bari oo dhan ayaan nabadgalyadeeda ka soo shaqeeyay” ayuu yidhi Wasiir Koore, waxaanu intaa ku daray “Maalintii booliiska la aasaasayay Askarigii ugu horeeyay bari aniga ayaa ka keenay, ciidanka qaranka markii la aasaasayay guutadii ugu horeysay aniga ayaa bari ka keenay, gobollada bari oo dhan aniga hoggaaminayay dastuurka markii loo codaynayay, geed gaaban iyo geed dheer Somaliland tay joogtaba waan soo taagnaa” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Koore.

 

Geeska.net/Hargeisa Office