SOOL: Xildhibaan Ka Mid Ahaa Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Xalay La Dilay  

0
2082

Dawladdu Maxay Tallaabo Adag uga qaadi la’dahay Falalkan Laascaanood Ku soo Badanaya ?

Laascaanood (Geeska) – Alle ha u naxariistee waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Cabdirisaaq Cardoofe oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha deegaanka ee dhawaan loo doortay Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cabdirisaaq Cardoofe), ayaa Dablay hubaysan waxay ku toogteen Afaafka Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Laascaanood.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey Geerida Marxuumka.

Dablayda dilka geysatay oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa goobta ka baxsaday sida la sheegay, laakiin waxa markiiba halkaa hawl-gal ka bilaabay Ciidammada kala duwan ee ammaanka, si gacanta loogu soo dhigo Gacan ku dhiigleyaasha toogashada ku dilay Xildhibaan Cardoofe.

Sanadihii u dambeeyay waxa Magaalada Laascaanood ku soo badanayey Dilalka Masuuliyiinta.

Hore, waxa Magaalada Laascaanood loogu dilay Taliyihii Sirdoonka ee Gobolka Sool iyo Guddoomiyihii Komiishanka doorashooyinka Qaranka u qaabilsanaa Gobolka Sool, laakiin Dawladda ayaan illaa hadda soo bandhigin Cid loo qabtay Falalkaasi oo sida muuqata khatar ku ah amniga guud ee Qaranka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office