Wasiir Maxamed Kaahin Oo Difaacay Aragtida Koore Ee Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

0
688

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga gunno uu ka qaato Dawladda.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Aad iyo aad baan uga xumahay si shakhsi ah in Koore Maanta lagu yidhaahdo halkan gunno ayuu ku joogaa, sarkaal ciidamada ah ayuu ahaa, Aniga da’dii naga yar yarayd ayuu ahaa, 14 cisho kadib markii SNM dhulka soo gashay raggii aanu ku kulanay Oog ayuu ahaa” ayuu yidhi wasiir Kaahin, waxaanu intaa ku daray oo uu si duur-xul ah uga jawaabay hadal hore uga soo yeedhay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland “Ayaan dhawaydna waxaan maqlayay dad leh dadka gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer daga dad macno leh oo la taaban karo kamay iman (Somaliland), ee dadka hadda yimid ayaa ugu soo horeeyay, taariikh xumooyinka Somaliland ka dhacaya ayay ka mid tahay taasi”

Hadalka Wasiir Kaahin ayaa daba socday eedaymo uu dhawaan Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inaanu Koore aaminsanayn Somaliland, balse uu dalka ku joogo dhaqaale uu ku helo Xilka uu Dawladda u hayo.

Hadalka Xoghayaha guud ee WADDANI laftiisa ayaa jawaab u ahaa hadal hore uga soo yeedhay Wasiir Koore, kaasi oo ahaa in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu aaminsan yahay Midnimada Soomaali-weyn.

 

Geeska.net/Hargeisa Office