Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Farogelin Ku Hayso Mucaaradka

0
514

Picture5Hargeysa(Geeska) :-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in ay ku fashilantay hawlahii qaranku u igmaday isla mar ahaantaana ay billaabeen siddii ay faro-gelin ugu samayn lahaayeen xisbiyadda mucaaradka Somaliland.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, ayaa sidan ku sheegay mar uu ka hadlaayey shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxaana uu carabka ku dhuftay in dhaqaalaha ay ku kharash garaynayaan xibiyadda mucaaradka Somaliland ay ku caawiyaan ayaa uu yidhi dadka bakhtiyaaya ee abaarahu haleeleen.

 “Xukuumaddu maanta waxaa ay shaqo ka dhigatay in ay soo fero-galiso xisbiga Waddani iyada oo og maanta khatarta uu xisbigeedu ku sugan yahay iyo dhibbaatada xisbigeeda taala, wax kale odhan maynee waxaanu leenahay Waddani iyo Ucid hawsha aad ka galaysaan waxaa idiin ka baahan in aad ummadiina bakhtiyeysa ee baa ba’aysa aad u gurmataan oo waxa aad ku kharash garaynaysaana aad sii saan dadka bakhtiyaaya ee ay abaaburu laayeen Xukuumaddu waxii ay qaranka u qabanaysay markii ay ku fashilantay eyey xisbiyadda faro-galin ku hayaan.”.Ayuu yidhi Md.Uurcadde.