Obama: 26 Jirkiisii Waxa Uu Waayey Cid Ka Kaxaysa Madaarka Nairobi, 28 Sano Kadibna Waxaa Loo Xidhay, Hawada, Badda Iyo Barriga Kenya

0
567

Picture6Hargeysa (Geeska)- Isaga oo saaran diyaaradda gaarka u ah madaxweynayaasha Maraykanka ee Air Force One oo ay wehelinayaan daraasiin gacanyarayaashiisa ah, boqollaal warfidiyeen ah, qaar ka mid ah dadka ugu maalqabeensan dalka Maraykanka, baayac-mushtarka ugu awoodda badan Maraykanka iyo kumannaan nabad-sugid ah ayaa uu ka soo degey gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Muddada uu ku soo jiray hawada waxaa la xidhay gebi ahaanba hawada sare ee dalka Kenya, waxaana diyaaraddiisa hareero, hore iyo gadaal socday kolonyo diyaaradaha milateriga Maraykanka ee qummaatiga u kaca ah, oo qaar kood ku socdaan joog aad u hooseeya oo ku siganaya in uu gaadho wax kasta oo dhulka dul soconaya.

Dhulka hoose oo ah ku dhow halka ay diyaaraddu istaagtay hoosteeda waxaa ka bilaabanayey roog cas oo uu cidhifka diyaaradda u xiga taagan yahay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Auma Obama oo ah gabadh ay walaalo isku aabaha ah yihiin Obama, balse aanay muddo aad u dheer kulmin.

Salaantii iyo nidaamka baratakool ee caadiga ah kadib Obama waxa uu garoonka diyaaradaha ka soo raacay gaadhiga aanay gantaaluhu karin ee madaxweynaha Maraykanka oo isaga hortii Kenya la keenay, gaadhigan Limousine ka ah ee dadka qaar ku tilmaamaan mucjisada oo ku caan ah naanaystiisa Beast wax dul haadayey diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamada ammaanka madaxda Maraykanka, waxaana hareero socday gaadiid aanay xabaddu karin oo ay saaran yihiin xubnaha kale ee waftiga iyo ilaaladiisu. Waddada halbawlaha u ah caasimadda dalka bariga Afrika ugu dhaqaala ballaadhan ee Kenya ayaa si rasmi ah looga xidhay dadka iyo gaadiidka, intii ay dhaafaysay kolonyada gaadiidka madaxweynuhu saaran yahayna waxaa jidkan iyo jidadka kale ee halbawlaha ahba ilaalinayey ciidamo Maraykan ah oo si gaar ah u tababaran.

Laakiin 28 sano ka hor oo ninka sidan loo ilaalinayaa uu yimid isla magaaladan Nairobi xaalku sidan aad ayaa uu uga duwanaa.

Waxa uu ahaa wiil u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo abaabulkooda oo 26 sano jir ah, waxa uu u hamuum qabay bal in uu wax ka soo barto dalka aabihii ku dhashay una dhashay iyo in uu soo barto qoyskiisa Kenyaanka ah ee walaalihii, adeerradii iyo edooyinkii ku jiraan. Waxa uu ka soo duulay dalka Maraykanka waxa aanu qorshuhu ahaa in ay gegida diyaaradaha ku soo dhoweyso walaashiisa aabihii dhalay ee Auma Obama si ay ugu geyso qoyska, laakiin nasiib darro si aad ah ayaa ay uga soo dib dhacday waqtigii uu yimid gegida diyaaradaha ee Joma Kenyatta muddo ayaanu ku dhex sugayey iyada oo xitaa shaqaalihii kaga rawaxeen.

Dhibtu intaas in ay ku koobnaato ayaa ay ku fiicnaan lahayd, laakiin ma’ay noqon, Shandadihii uu sitay ee uu kala yimid Maraykan waxaa tuurtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways oo uu soo raacay. Haddii maanta aan la ogolayn in ay Obama u soo dhowaato cid aan ahayn ilaaladiisa, walaashii iyo madaxweynaha Kenya, oo xitaa xayndaabka garoonka killo mitirro dadka laga sii fogeeyey, maalintaas isaga oo dhex meehannaabaya gegida diyaaradaha ayaa nin reer Kenya ahi uu xabbad sigaar ah ka shaxaaday, ka hor intii aanu weydiin halka uu ka yimid. Kaba sii daran ee ninkan reer Kenya markii uu ogaaday in wiilkan madowga ahi Maraykan ka yimid waxa uu weydiiyey bal in uu yaqaanno wiil ay ilma’ adeer yihiin oo uu sheegay in uu deggen yahay magaalada Texas.

Goor dambe ayaa walaashii soo gaadhay gegida diyaaradaha ee Jommo Kenyatta si ay u kaxayso walaalkeed, waxa aanay ku soo qaadday gaadhi nooca Volkswagen Beetle ah oo aad u duugoobay, si aad u daranna u burbursan. Obama qudhiisa ayaa markii uu qorayey buuggiisa Dreams of My Father gaar ahaan marka uu ka hadlayo safarkiisaa Kenya, waxa uu xasuusanayaa sida uu u burbursanaa gaadhigaas oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaanno Iga-Siimi. “Garoonka caalamiga ah ee Kenyatta cid la’aan ayaa uu iska ahaa, masuuliyiintii ka hawlgelaysay markii ay hubiyeen baasaboorradii dadka waxa ay iska doonteen bunkii subaxnimo; goobta shandadaha laga qaato, suunka socda ee shandadaha xambaara oo ahaa mid aad u daalay oo wada dil-dillaacay ayaa si tartiib ah shandadaha u soo gaadhsiinayey. Daqiiqado yar kadib, waardiye amniga qaabilsanaa oo budh sita ayaa xaggayga u soo dhaqaaqay, waxa aan markiiba raadiyey Haashteriga sigaarka lagu bakhtiiyo, waxa aan u qaatay in halkan aan joogaa ay ahayd meel aan laga ogolayn in sigaarka lagu cabbo, laakiin halkii aan canaan ka filayey (Obama sigaar ayaa uu markan cabbayey) waardiyihii inta uu dhoolla caddeeyey ayaa uu i weydiiyey bal in aan hayo xabbad sigaar ah oo dheeraada.

“Ma safarkii Kenya kugu horreeyey baa?” Ayaa uu I weydiiyey, aniga oo siinaya dabkii uu sigaarka ku shidan lahaa. Waxa aanan ugu jawaabay, “Waa sidaa”

“Waa aan gartay” ayaa uu igu jawaabay inta uu dhinacayga soo kambadhuudhsaday. “Ma’ Ameerika ayaa aad ka timid. Ma’ taqaannaa walaalkay wiilkiisa, oo jooga gobolka Texas oo uu ka barto cilmiga Injineeriyadda”  ayaa sida uu waardiyahani Obama ku yidhi, sida uu ku qoray buuggiisan, qaybta uu kaga waramayo booqashadiisii kowaad Kenya.

Obama oo si yaab leh uga sii warramaya maalintaa wixii ka qabsaday madaarka caalamiga ah ee Jommo Kenyatta waxa uu qoraalkiisan ku sii daray, “Xiisihii iyo xamaasaddii i wadday waxa ay noqotay biyo col-dhaanshay, waa aan la dhoolla caddeeyey markii aan xasuustay guryo-noqoshadii aan beryaha qaar maskaxda ka sawiran jiray” Obama waxa uu buuggan kaga warramay xaaladdii uu sawiran jiray in uu kala kulmi doono marka uu yimaaddo dhulkan awoowyadii, waxa aanu qoray, “Daruuruhii oo dhaqaaqaya, Shuushka iyo sharka o dhan ayaa bixi doona, dhulku waa uu ruxmi doonaa oo uu dildillaaci si ay uga soo baxaan awoowyada (Isirkii hore ee dhintay) ku duugan oo ay uga qayb qaataan dabbaal degga soo dhoweynta. Laakiin taasi ma dhicin, beddelkeedana waxa aan dareemay daal iyo dayro. Aniga oo qarka u saaran in aan raadsado talefan aan dirsado ayaa waardiyihii mar kale soo muuqday isaga oo markan la socda, gabadh jalaqsan oo aad u qurux badan, madow, dhuuban, dhererkeeduna ku dhow yahay Lix fuud (1.82 Mitir) oo xidhan labbiska shaqaalaha diyaaradda British Airways, waxa ay magaceeda igu sheegtay Miss Omoro waxa aanay ii sharraxday in shanddadaydii loo malaynayo in si qalad ah loogu diray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika…

Kadib gabadhii shaqaalaha diyaaradda ahayd waxa ay igu tidhi, “Malaha waxa aad qaraabo tihiinba Dr, Obama?” Aniguna waxa aan ugu jawaabay, “Haa, aabahay ayaa uu ahaa”

Miss Omoro si kalgacal leh ayaa ay u dhoolla caddaysay, “Aad baan geeridiisii uga xumahay. Aabahaa saaxiib aad u dhow ayaa uu la’ ahaa, qoyskayga oo dhan ayaa uu ku xidhnaa, markii aan carruurta ahaa gurigayaga aad ayaa uu u iman jiray”

Obama waxa uu buuggiisaa ku sheegayaa in intii uu nolaa ay maalintaasi ahayd tii ugu horreysay ee uu dareemay in abtirsiintu ay qofka siin karto niyadsamaan, iyo aqoonsi buuxa. Waxa aanu sheegayaa in uu xaqiiqsaday, “Sida magacu uu taariikh dhan u xasuusin karo dadka kale, oo inta ay madaxa lulaan ay odhanayaan, “Ooh, waxa aad tahay wiilkii hebel dhalay” ayaa uu yidhi Obama, isaga oo sii caddaynaya waxyaabaha uu dareemi jiray markii uu Maraykan joogay ee qariibnimada ku abuurayey ee markii uu yimid dhulkii awoowyadii tirtirmayna waxa uu yidhi, “Dadka halkan Kenya jooga, cidina ima weydiinayso bal in aan u sheego sida uu magacaygu u qormo.

Obama waxa uu ka sheekeeyey markii ay ugu dambayntii madaarka ugu timid walaashii Auma oo ay u ahayd markii ugu horreysay ee ay si toos ah isu arkeen, aad ayaa ay isugu dhageen, sidoo kale waxa ay is bartay gabadh kale oo la socotay oo ahayd Barak Obama eedadii la dhalatay aabihii, laguna magacaabo Saytuuni.

Ugu dambayntii isaga oo Barak Obama buuggiisan kaga waramaya baabuurka Iga-Siimida kharaabka ah, ahaa ee ay walaashii Auma Obama kaga soo qaadday gegida diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, Waxa aanu sheegay in gaadhigii Mishiinku wax noqday Egsaaska qiiqu ka baxaana uu inta uu go’ay dhulka ku soo dhacayba. Waxa uu sheegay in uu la yaabanaa qaabka uu gaadhiga xaalkiisu sidan yahay u socon karo, waxa aanu isweydiinayey, “Talow, ma waxa uu xaalku tegi inta aad ka degtaan in aad riixdaan”Kaaf iyo kala dheeri, waa laba safar iyo laba dhacdo oo aad u kala duwan, waa run in waqti aad u badan oo 28 sano ahi uu u dhxeeyeen, laakiin haddana waa waqti marka loo eego dad badan aad u yar, oo farqiga u dhexeeyaa ka weyn yahay tiradooda.