Madaxweynaha Siilaanyo oo Amray In Si Deg-dag Ah Biyo Loola Gaadho Deegaanada Abaarahu Saameeyeen

0
482

Picture3Hargeysa(Geeska) :-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ayaa amar ku bixiyey in biyo si deg-dag ah loola gaadho deegaanadda ay sida xoogga ah u haleeleen abaaraha ee goballada galbeedka iyo meelo ka mid ah bariga Somalilandba, waxaana uu sida oo kale uu ku amray wasaaradda Biyahu in ay biyo dhaamiskaas ay ku waddo ilaa inta Alleh uu ummadiisa u shubaayo raxmaadkiisa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Siilaanyo Md.Axmed Cabdillaahi Daahir (Cukuse), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in madaxweynahu uu wasaaradda Maaliyadda iyo Biyaha uu ku amray in ay si deg-dag ah u qorsheeyaan siddii ay biyo u gaadhsiin lahaayeen deegaanada ay cabashada biyo la’aaneed ka taagan tahay ee ay sababtay abaaraha xooggan ee ku dhuftay xili ay dib u dhaceen roobabkii la saadaalinaayey in ay ka da’aan goballadaas.

“Dalka Somaliland, waxaa haatan dhammaaday xilligii gu’ga, kaas oo meelaha qaarna si fiican loo helay, dhul ballaadhan oo iyaguna aan wax roob ah helin, oo goballada galbeedka sida gobalka Awdal , Selel, Gabileyba ha ugu sii darnaadaan, barigana degmooyinka Ceel Afweyn iyo dhulka deegaanada Huluul, ayaa iyagana ay biyo la’aantaas ay cabashadu ka jirtaa. Qaylo-dhaanta biyaha ah iyo gu’gaa yaraaday ee deegaanada qaarkood ah iyo qaylada ka soo baxday dadkii bani-aadmiga ahaa iyo xoolahiiba ay ooman yihiin bari iyo galbeedba Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaa uu goor dhaweyto maanta(shalay) amar ku bixiyey in wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradda Biyahu dhakhso u gaadhsiiyaan 48ka saacadood ee soo socda inta ay billaaban hawshaas oo ay u diyaar garoobaan in ay dadka biyaha gaadhsiiyaan oo ay ku wadaan ilaa iyo inta ay baahida biyo la’aantu ka dhammaanayso.”.Ayuu yidhi Md.Cukuse.