Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xeerka Diiwaangelinta Ee Ay Dhawaan Golaha Wakiilada U Gudbisay

0
826

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa khiyaamo qaran oo ay Xukuumada Siilaanyo samaysay  ku tilmaamay qodab xasaasi ah oo ku jira xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona badhtamaha 2015-ka oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xeerkan iyo xeerka Diiwaan galinta Madaniga ahba uu u gudbiyey Golaha Wakiilada Somaliland,waxaana uu qodab kaasi sheegaya in aan kaadhka Diiwaan galinta codbixiyeyaasha laqaadan Karin hadii aanu qofku marka hore sidan kaadhka Diiwaan galinta Madaniga ah.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa,ayaa tibaaxay in Xukuumadu dabada ka riixaysoo tabo iyo xeelado ay doonayso in muddo kordhin loogu sameeyo,waxaana uu ugu horeyn uu  si faah faahsan uu u kala saaray labada xeer ee Madaxweyne Siilaanyo uu u soo gudbiyey Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo  sheegay in Xukuumadu sidii markii hore Xubnaha Komishanka Doorashooyinka,Daneeyayaasha Doorashooyinka,Axsaabta Qaranka iyo Wasaarada Arrimaha gudahu ay ku heshiiyeen in sharciga Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyaasha loo diyaariyo ay Xukuumadu ku lifaaqday Xeerka Diiwaan galinta Madaniga ah,kaasi oo shardi laga dhigay in qofku uu kaadhka Aqoonsiga marka hore uu sito si uu u qaato ka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

"Diiwaangalinta Codbixiyayaashu waxey lagama maarmaan u tahey in Doorashooyinka inagu soo fool lihi ku qabsoomaan Wakhtigoodii,waxaana ka masuul ah Komishanka Qaranka kaasi waa Diiwaangalinta Codbixiyayaasha tan kale ee ah Diiwaangalinta madaniga ahi waxa ay ku saabsan tahey in ka bixiyo kaadhka aqoonsiga Muwaadinka Reer Somaliland waxa isna ka masuul ah Wasaarada Arimaha Gudaha labadaa diiwaan galinood midba waxey u baahan tahey sharci lagu maamulo oo Golaha Wakiilada laga ansixiyo,Komishanka Qaranku waxey abaabuleen daneynayaasha Doorashooyinka iyagoo ka hadlayay arinta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha oo iyaga si toos ah u khuseysa,waxey howl galiyeen khubaro sharci waxey u yeedheen daneeyayaashii oo dhan si loogu sameeyo kaabis iyo wax ka badel xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha,waxey xeerkaa dhameystireen oo ay ugudbiyeen qabyo qoraal sharci ah  waxey ugudbiyeen Xukuumada mudo imika laga joogo laba bilood oo dhowdhow mudadaa dheer ee ay Xukuumadu haysatey, iyadoo wakhtigu cidhiidhi yahey qoraalkii sharci waxey candhada u galiyeen ee ay Diiwaangalintu laheyd oo ay ku lifaaqeen Xeerkii Diiwaangalinta madaniga ah, oo ubaahnaa in xeer gaar ah loo sameeyo,waxaanay shuruud uga dhigeen in diiwaangalinta codbixiyayaasha marka la qabanayo ay qasab tahey in qofku soo maro inuu xeerka madaniga ah dhameystiro kadibna waxa shardi lagaga dhigay inuu qaato kaadhka aqoonsiga”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu u aragnaa runtii Xeerka Diiwaangalinta madaniga ah iyo xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha xeer 37/2007,waxaanu u aragnaa in Xukuumadu ka carareyso, in ay sameyso xeerka codbixiyaha oo ay sitoos ah u sameyso sidii lagu heshiiyay, oo aheyd runtii iyadoo aanu aad uga xunahay in Sadexda Xisbi Qaran,Komishanka, Wasaarada Arimaha Gudaha,Madexweynaha intuba in ay heshiis cad ka galeen oo lagu heshiiyay in xeerka madaniga ah sidiisa ay Wasaarada Arimaha Guduhu u wado,waana xeer muhiim ah umadu u baahan tahey muduu qaadanaya,ilaa dhawr sanadood ayuu qaadanayaa waxaana loo baahan yahey in umadoo dhan loo wada sameeyo kuyar iyo kuweynba laakiin xeerka codbixiyaha in isaga la sameeyo oo si dhakhso ah loo sameeyo oo aan isaga lagu xidhin".

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde waxaa uu sida oo kale uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay in Xeerka ay Xukuumadu u gudbisay Aqalka Wakiiladu uu khilaafsan yahay sidii ay markii hore ku heshiiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Axsaabta,Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo sida oo kale qoraaladii loo diray beesha Caalamkaba.

"Waxaanu aad iyo aad uga xunahay in wixii lagu heshiiyay ee Qoraaladii lagu heshiiyay ee Madexweynuhu qorey,ee ay Sadexda Xisbi qaran qoreen ee Komishanku qorey,WasaaradaArimaha Guduhu qoreen uu intaba khilaafsan yahey xeerka maanta kasoo baxey ee Xukuumadu usoo gudbisay Golaha Wakiilada uu ka hor imanaayo,waxaanu aad iyo aad uga xunahay qoraaladii caalamka loo direy wixii lagu heshiiyay in aanay xukuumadu tix galinin wax tix galin ah aanay uyeelan,oo aanu u aragno in ay tahey khiyaamo qaran oo qaranka laga galey iyadoo loo wado qarankan in maalinba ninkii doonaa uu siduu doono u jiheeyo anagu hadaanu nahey Xisbiga Wadani,marna anagu aqbali mayno in shuruud lagu xidho iyadoo mudo korodhsi laga doonayo in muwaadinka codbixyaha ah lagu xidho kaadhka madaniga ah, oo uu sadex sano afar sano shan sano qaato taana diyaar uma nihin"Ayuu yidhi Md: Uurcade.

 Ugu danbayntii waxaa uu Xoghayaha Xisbiga WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde uu ugu baaqay golayasha qaranka Somaliland in aan xeerkaas la ansixinin,umaddan aan loo horseedin wax sababi kara qas iyo rabshadtoona.

"Waxaanu ka baqeynaa runtii in wadankan mushkilad lagaliyo oo halaag badani ka dhaco,Xukuumada maanta jirtaa hadii loo sii daayo mudadaasi.Waayo hadadan ayaad ogtihiin dhibta inaga haysata gudo iyo dibadba,waxaanu u arganaa in xeerkaa laga leeyahay laba ujeedo kow in wakhhtiga doorsahada lagu qabanayo la galiyo muran,oo aan la dhameys tirin si loo kordhiyo mudada ama la qabto Doorasho aan la bixin kaadhkii Diiwaangalinta oo muran iyo is dil ka dhaco sidii tii D/hoose oo kale, oo ay Xukuumaduna ku shubato,hadaanu nahey Xisbiga Wadani arimaha noocaas ah ee Xukuumadu wado waanu kasoo horjeednaa, Golaha Wakiiladana waxaanu uga digaynaa in wixii umadani  ay isku ogayd ee ay ku balantey waxaan ahayn in ay fasaxaan,waxaanu ogolnahay in xeerka muwaadinka sigaar ah loo sameeyo Golaha Wakiiladuna ansixiyaan waxaanu ogolnahay in Diiwaangalinta Doorashooyinka sidii ay aheyd loo qabto ee lagu balamay oo laga daayo,kolba marmarsiiyaha loogu doonayo Mudo korodhsiga"Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.