Machadka Tababarka Shaqaalaha Oo Tababar U Furay Shaqaalaha Dawladaha Ee 7 Degmo

1
656

Picture4Hargeysa(Geeska)-Machadka tabobarka shaqaalaha dawlada ee CSI, ayaa tababar u furay agaasimayaal, agaasime waaxeedyo iyo shaqaale ka tirsan dawladaha hoose, shaqaalahan oo ka kala yimi todoba degmo oo ka mid ah degmooyinka dalka.

Tabobarkan ay fulinayaan machadka tabobarka shaqaalahu waxa maal galiyay haayada UN-HABITAT, waxaana kor loogu qaadayaa aqoonta shaqaalaha inbadan oo ka mid ah dawladaha hoose ee dalka, kuwaas oo ay tiradoodu dhamayd shan iyo sodan hawl wadeen.

Agaasime ku xigeenka machadka tabobarka shaqaalaha dawlada Guuleed Cumar  Siciid oo ugu horayntii tabobarkan ka war bixinaayay waxa uu yidhi “Tabobarkan oo ah tabobarada xisaabaadka dawladaha hoose oo caadi ahaan tababaradii hore u socon jiray ee dawladaha hoose ka mid ah,waxa  soo  abaabushay haayada UN-HABITAT waxaana idiin soo gudbin doona macalimiin xirfad leh oo ka socda machadka shaqaalaha dawlada ee SCI. tabo barkani waxa uu isugu jiraa noocyo badan idinkuna waxaad tihiin kooxdii koowaad, waxaanad isagu jirtaan agaasimayaal,agaasime waaxeedyo iyo shaqaale kaleba, waxaad halkan joogi doontaan 11 maalmood oo aad ku qaadan doontaan aqoon badan oo xisaabaadka ah, muda’daas koobana waxa loogu talo galay inaad aqoon balaadhan qaadataan.”

Agaasime ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa laydiinka baahan yahay in dhukmatiga laydin siin doono aad markaad halkan ka laabataan aad shaqooyinkiina ku isticmaashaan,maamul iyo nidaam marka laga hadlaayana waxay ku jirtaa marka shaqaalahana la hagaajiyo maaliyadana la hagaajiyo, markaasaa wax la beekhaamin karayaa,horumarna la gaadhi karayaa,waana mid ka mid ah qaababka aynu doonayno in aynu dawlaha hoose ku horumarino.waxaan idiinku hanbalyaynayaa inaad halkan timaadeen,waxaanan idinku soo dhaweynayaa machadka tabobarka shaqaalaha, waxaan aad ugu rajo weynahay inaad tabobarkaas intaad qaadataan aad istimaashaan markaad shaqadiinii ku laabataan.”

Axmed Suldaan Aadan Yuusuf oo ku hadlaayay afka haayada UN-HABITAT ayaa isaguna dhankiisa waxa uu halkaas ka yidhi“Tabobarkani waxa uu ku saabsan yahay maamulka iyo maaraynta, marka tabobaradan la qaato waxa imanysa in kor loo qaado adeegyadii aad masuulka ka ahaydeen,mar aanu qiimay ku samaynay dadkan degmooyinka waxa ka soo baxay inay kala duwan yahiin aqoon ahaan iyo da’ahaanba markaas waxa loo baahday tabobar guud,oo ku saabsan maamulka iyo maaraynta.UN-HABITAT ma fulinayso tabobarkan ee way fangaraynaysaa uun,waana sadex qaybood tabobarkani oo imika waxa furmaya qaybtii koowaad,qayta labaad oo maayarada iyo xoga’yayaasha ahana bisha 14-keeda ayay iman doonaan,markaas waxaan leeyahay aynu ka faa’idaysano si aan degmooyinkii ugu celino waxaan barnay oo adeegii u wanaajino.”

Agaasimaha guud ee machadka tabobarka shaqaalaha dawlada Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa isaguna dhankiisa machadka iyo tabobarkanba ka bixiyay xoogaa war bixin ah,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Machadkayagu waxa uu ku shaqo leeyahay tayaynta shaqaalaha dawlada dhexe iyo kuwa dawladaha hoose, si aqoontooda iyo xirfadooda shaqo sare loogu qaado,taasi waa sabaabta machadku uu u tabobaro shaqaalaha dawlada,waayo waa haayada loo sameeyay shaqadaas.waxaad ka kala socotaan todoba degmo oo kala ah Hargeysa,Boorma,Berbera,Gabilay,Burco,Sheekh iyo Oodweyne waxaana loogu talo galay meelahii marshuucan JPLG-gu ka socdo oo dhan shaqaalahooda haday yihiin madaxda iyo shaqaalahaba in tabobarkan la qaato, waanu is daba socdaa tababarkani,waxaana tabobarkan lagu qaadanayaa machadka gudihiisa.”

Ku simaha agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Maxamed Cismaan Dube ayaa tabobarkaas si rasmi ah ugu furay kooxdan loo tabobaraayay shaqooyinkooda dawladaha hoose, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Runtii shaqaalahu waa halka ay ka dhisanto dawlada hoose iyo haayad kastaaba,maayarka bari ka maalin waa la badalayaa oo mid kale waa la dooran karaa, cida la doonayo inay wax badalaan waa idinka oo hanti ay leedahay dawlada hoose ayaad tihiin,hadaad cilmigiina kordhisaana masuul kasta oo yimaadaa idinka ayuu idiin noqonayaa arday, markaas hadii aynu si fiican wax u barano wadada wanaagsan ayaynu madaxdana ku toosin karaynaa,waxaan rajaynayaa inaad ka faa’idaysan doontaan mudadaas uu tabobarku idiin socdo,waanu idiin furan yahay.”

 

 

Comments are closed.