“Taariikhdu Isma Qorto ee Hadba cidda guulaysata ayuun baa qorta” Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Ali (Q:2)
Kooxdan Ciidamada Cas “Red Army” la baxday ee uu aas-aasay Mao waxa ay weeraro arxan darro ah ku qaadeen dhammaan goobihii cibaadada, sida kuwii Buudiyiinta, Kaniisadihii iyo Masaajiddii, waxa aanay si badheedh ah u gubeen dhammaan Kutubtii, Sanamyadii iyo wax kasta oo astaan u noqon karayey diin uun ka mid ah diimaha dunida ka jira. Sidoo kale waxa ay burburiyeen wax kasta oo noqon karayey raad lagu xasuusto taariikhdii China ee Kacaanka ka hor. Ol’olahan uu Mao ku magacaabay kacaanka waxbarashadu waxa uu socday muddo toddoba sano ah, muddadaas oo keliyana waxa ay kooxdan oo dawladda taageero ka haysta iyo dawladduba dileen muwaadiniin Shiine ah oo tiradoodu gaadhayso Hal Milyan oo ruux.
Ficillada foosha xun ee ay xukuumadda iyo Kooxda Ciiidamada Cas ay samayn jireen waaa ka mid ahaa in la dilo macallimiinta jaamacadaha, aqoonyahanka, indheer-garadka iyo cid kasta oo looga shakhiyo in aanu aaminsanayn saxnaanta joogtada ah ee hoggaamiyaha, shakina kaga jiro fulinta go’aamadiisa. Inta ay kulamo la yeeshaan macallimiinta jaamacadaha ayaa ay weydiin jireen bal in ay dusha ka akhriyaan cutubyada iyo qoraallada kala duwan ee ku jiray buug loogu magac daray Buugga Cas oo uu allifay Mao kuna qoray aragtidiisa iyo sida ay la tahay in China loo maamulo. Haddii la arko in macallimiintan iyo aqoonyahankan kala duwani aanay dusha ka xafidsanayn qaybaha muhiimka ah ee buugga Cas waxaa markaba loo aqoonsan jiray in ay mucaarad ku yihiin kacaanka, haddii aan dil lagu fulinna si fool xun ayaa loo ciqaabi jiray. Waxaa la burburiyey dhammaan hiddihii iyo aataartii Shiinaha iyo xitaa guryihii taariikhiga ahaa ee dalkaas qarniyada badan ka soo jiray, waxa aanu dalka China isu beddelay dambas iyo burbur.
Go’aankii qaldanaa:
Mao Zedong (Tse-tung) siyaasadaha tirada badan ee uu qaatay, lana waayey mid keliya oo la taliyeyaashiisa ka mid ah oo u sheega in uu ka joogsado waxaa ka mid ahaa ol’olihiisii heerka Qaran ahaa ee sannadkii 1958 uu u bixiyey “Ka Takhalusidda Afarta Aafo oo uu uga jeeday; Shimbiraha, Duqsiga, Jiirka iyo Kaneecada” Dabcan duqsiga iyo kaneecado waa laba xasharaad oo aadamaha dhibaato badan gaadhsiiya, taas ayaanu Mao uga duulayey go’aankiisa, waxa kale oo uu ku daray jiirka oo dhibaato ku hayey guryaha iyo goobaha lagu kaydiyo cuntada iyo alaabooyinka muhiimka ah iyo shimbiraha oo uu hoggaamiyuhu ka cadhaysnaa dalagga beeraha ee ay cunaan, una arkayey in wax-soo-saarkii beeraha ay khatar ku yihiin. Waaa la aaminsan yahay in ol’olahaas uu sabab u noqday aafo dabiic ah oo sababtay in macaluul cunto yaraan ahi ka dillaacdo dalkaas oo ay gaajo iyo nafaqo darro u dhintaan dad ka badan 20 Milyan.
Laba sano markii uu barnaamijka Mao shaqaynayey ee si ba’an loo gumaaday shimbirihii oo si aan caqli malayn karin u dabar go’ay waxaa soo baxday dhibaato aan marka hore laga sii fikirin, balse haddii hoggaamiyaha inta ku xeerani si caqli ku dhisan yahay wax ula gorfayn lahaayeen ama uu isagu la tashan lahaa dadka aqoonta u leh arrintan uu go’aanka ka gaadhayaa keeni lahayd in laga badbaado aafadan.
Shimbiruhu dalagga beeraha ayaa ay cunayeen, waa run, laakiin waxaa iyaduna run ahayd in ay cunayeen Ayaxa iyo cayayaanka kale ee beeraha ku dhasha oo dabeecadda deegaan ee dalka China aad ugu badan, sidaa awgeed shimbiraha meesha ka baxay waxa ay sabab u noqdeen in xasharaadkani uu xorriyad weyn helo, si aad ahna u tarmo, markaasaa dhulka iyo hawada sare ee dalka Chine waxaa qabsaday ayax in lala dagaallamaa aad u adkaatay, waxaana muddo gaaban gudahood ku baaba’ay dalaggii beeraha ee dalka oo dhan, illaa aakhirkii goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo wax-soo-saarkii beeraha ee dib u dhacay keenay cunto yaraan sabab u noqotay macaluushaa lagu le’day ay xukuumaddu ka noqotay go’aankii shimbiraha in la dilo ahaa.
Marka aynu soo koobno, sida ku cad buugga ka waramaya taariikhda Mao ee aynu kor ku soo xusnay, Mao oo sabab u ahaa dhimashada 79 Milyan oo dadkiisa ah, weligeed lama arkin haayad u doodda xuquuqda aadamaha ama dalalka waaweyn ee ku andacooda in ay isu xilsaareen dhowrista karaamada aadamaha oo ka hadlaya in uu hoggaamiye Mao ahaa argagaxiso ama ceeb sidaa u weyn ka galay aadamaha. Waxa aanu taariikhda ugu jiraa in uu ahaa halyeey qaran iyo aabaha aas-aasay Shiinaha casriga ah.
Maydkii Mao lama aasin ama gubin ee waxaa la dhex dhigay Matxaf weyn oo si qurux badan looga dhisay badhtamaha magaalada caasimadda China ee Beijing.
Joseph Stalin: Keli taliyihii dilka iyo sinimooga jeclaa:
Joseph Stalin oo noolaa intii u dhexeysay 1878kii illaa 1953kii waxa uu ahaa hoggaamiyihii Midowgii Soofiyati ee sannadii 1922kii illaa dhimashadiisii. La Soco