Xisbiga Waddani Oo Masuul Ka Tirsan Ku Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
618

Picture1Hargeysa(Geeska):-Ibraahin Jaamac Abtiile oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga Wadani ee dalka Ingiriiska ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargaysa.

Waxaana mas’uulkan si weyn madaarka Hargeysa ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani, xildhibaano, haween iyo dhalinyaro kale.

Xoghaye ku xigeenka guud ee xisbiga Waddani Md.Jamaal Jaamac Xaamud oo ka dib soo dhaweyntaas qolka nashada si wada-jir ay isaga iyo mas’uulkani warbaahinta uga warameen, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ka xisbi ahaan ay si balaadhan magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyaan Md.Ibraahim Jaamac Abtiile oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu fir fircoon laanta xisbiga Waddani ee dalka Ingiriiska.

“Waxaanu maanta(Shalay) halkan ku soo dhaweynaynaa mas’uul ka tirsan xisbiga Waddani oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahin Jaamac Abtiile ,waxaanu leenahay ku soo dhawoow caasimadii Somaliland , halkana waxaa kuu jooga oo maraya madaxdii xisbiga, hogaankii,xoghaye-yaashii xisbiga ee soo dhawoow baanu ku leenahay.“.Ayuu yidhi Md.Jamaal Jaamac Xaamud.

Md.Ibraahim Jaamac Abtiile, oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa si aada ugu mahad celiyey dhamaanba mas’uuliyiinta xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisa ee sida weyn ugu soo dhaweeyey madaarka Hargeysa, waxaana uu baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo muddooyinkii danbe la soo sheegayey in dagaal ku dhex maray deegaanka Taleex ee gobalka Xaysimo.

 “Waxan halkan  uga mahad celinayaa madaxda sar sare ee xisbiga Waddani  iyo taageerayaashiisa sida wanaagsan ee ay maanta iigu  soo dhaweeyeen dalka, waxaanan halkan baaq nabadeed uga jeedinayaa colaada ka taagan deegaanka Taleex oo aan iyagana leenahay colaada hala joojiyo , waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidamada qaranka (Somaliland) oo gacan wayn ka qaatay arrintaas  in ay soo celiyaan nabad galyadaas.“.Ayuu yidhi Md.Ibraahim Jaamac Abtiile.

Md.Ibraahim Jaamac Abtiile, ayaa ugu danbeyntii waxaa uu sida oo kale u soo jeediyey golaha Guurtida Somaliland in ay ixtiraamaan go’aanka ay komishanka doorashooyinka iyo axsaabta qaranku ay sida wada jirka ah u gaadheen, waxaana uu uga digay in ay muddo kordhin ka badan ta komishanku ku dhawaaqay ay sameeyaan.

 “Waxan sida oo kale halkan baaq uga jeedinayaa golaha Guurtida  oo aan  leeyahay maadaama ay Saddexda xisbi qaran iyo komshanku isku raaceen in  la sameeyo wakhti go’an, inay arrintaas sidii ay ahayd u raacaan.“. ibraahin jaamac Abtiile.