Xisbiga Waddani Oo La Noqday Xubintii Uu U Soo Xulay Guddiga Doorashooyinka Iyo Labada Xubnood Ee Madaxweynuhu Soo Gudbiyay Oo Khilaaf Abuuray

0
844

Hargeysa(Geeska)-Baashe Maxamed Faarax guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay soo gaadheen toddobadii xubnood ee komishanka doorashooyinka,isla markaasna ay u gudbiyeen gudida arimaha gudaha oo baadhitaan ku soo samaynaysa.

Sida oo kale waxa uu guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in xisbiga Waddani uu u soo gudbiyay warqad uu ku hakiyay xubinta uu komishanka u soo magacaabay isaga oo ka cabanaya laba xubnood oo madaxweynuhu uu soo magacaabay, waxaanu ugu horayntii isaga oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi“ Toddobadii xubnood oo dhamaystiran waa la soo gudbiyay golaha ayay dhexyaalaan goluhuna waajibaadkiisii dastuuriga ahaa ayuu ka gudanayaa.”

Waxa uu sheegay guddoomiyahu inuu xisbiga Waddani xubintiisa hakiyay“ Xisbiga Waddani ayaa keenay waraaq uu ku hakinaayo xubintiisii uu cabashana kaga muujiyay, markaas waraaqdaasi waa ay nasoo gaadhay, waxa na soo gaadhay warqada oo ay kaga cabanayaan dadka la soo xulay oo laba xubnood ayay ka cabanayaan oo ay leeyihiin midna xisbiga Kulmiye ayuu ka tirsan yahay gabadhuna waxay ka mid tahay gudidii hore cabashadaasi waa ay jirtaa laakiin anagu todobada xubnoodba waanu haynaa.”

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in gudida arimaha gudaha ee golaha wakiiladu ay baadhitaan ku soo samayn doonaan xubnahan loo soo gudbiyay “ Golaha markay soo gaadhaan waxa loo gudbinayaa arimaha gudaha waa ay soo baadhayaan oo mid walba waxa ay la samaynayaan waraysi markay golaha ku soo celiyaan ayuu gole weynuhu waajibkiisa gudanayaa.”

Labada xubnood ee uu xisbiga Waddani cabashada ka muujiyay ayaa kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) iyo Kaltuun Sheekh Xasan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here