Baro, Dad Bulshada Caadiga Ah Ku Tirsanaa Oo Taariikhda Adduunka Wax Ka Beddelay (Qaybta: 3aad)

0
953
  1. Frank Wills: 24 Jirkii galaafta kursigii madaxweynaha Maraykan

Frank Wills waxa uu ahaa waardiye amni oo u dhashay dalka Maraykanka, isaga oo carruur ah ayaa ay kala tageen hooyadii iyo aabihii, waxaana korsatay hooyadii.  Frank oo nolol saboolnimo oo adag ku soo koray fasalka saddexaad ee dugsiga sare ayaa uu kaga dhacay waxbarashada dugsiga, waxa aanu bilaabay farsamada gacanta, gaar ahaan makaaninimada oo uu aad u bartay ka shaqaysiinta mishiinnada aadka u waaweyn.

Inkasta oo uu muddo shaqadan ku reeyey, haddana waa uu sii wadi kari waayey, kaddib markii xanuunka xiiqdu ku dhacay, waxa aanu u wareegay magaalada caasimadda ah ee Washington, oo shaqooyin hoose uu ka raadsaday, taas oo ugu dambayntii ku hoggaamisay in uu waardiye ka noqdo huteelka caanka ah ee Watergate. Gaar ahaan qayb ka mid ah oo xafiisyo u ahayd guddiga sare ee xisbiga dimuqraaddiga ee dalka Maraykanka.

Habeennimo bisha Juun 17 ahayd sannadkii 1972 kii, ayaa Frank oo sidiisii caadiga ahayd shaqada u wataa waxa uu si kedis ah u arkay xabag ku duban qufulka mid ka mid ah albaabada. Gaar ahaan waxaa lagu xannibay carrabka is xidha marka albaabka la soo celiyo.

Isaga oo aan dhib u arkin ayaa uu Frank xabagtii ka jaray albaabka, shaqadiisa ayaanu sii watay, laakiin soddon daqiiqo kaddib ayaa uu mar kale arkay xabag intii hore ka badan oo isla albaabkii ku dhejisan. Taas oo sababtay in uu si degdeg ah ula xidhiidho bilayska oo goob aan ka fogeyn xaruntiisu ahayd.

Isla markiiba bilayska ayaa yimi oo joojiyey wiishkii dabqa, kadibadii dhismahana wada xidhay, si ay u raadiyaan cidda saacaddaas joogta xaruntan oo aanay shaqo ka socon. Waxaa la helay shan nin oo ku guda jira xafiisyada guddiga sare ee xisbiga dimuqraaddiga. Shantan nin oo ka tirsanaa guddiga ol’olaha dib u doorashada madaxweynaha ayaa, ayaa baadhistii lagu sameeyey waxaa lagu ogaaday in ay xarumaha xisbiga dimuqraaddiga ku rakibayeen qalaba basaasidda ee codka lagu duubo. Xogtaas oo fure u noqotay fashilaadda fadeexaddaas ku caan baxday ‘Watergate’.

Watergate

Fadeexaddan loogu magac daray huteelkii ay fashilinteedu ka bilaabatay waaa fadeexaddii ugu weynayd ee taariikhda Maraykanka soo martay. Madaxweynihii 37 ee Maraykanka Richard Nixon oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuurigu, si aad u adag ayaa uu kursiga ku yimi kaddib markii ay isaga iyo murashaxii dimuqraaddiga ee la tartamayey ku kala adkaadeen boqolkiiba 42 iyo boqolkiiba 43.5 keliya.

Arrintani waxa ay madaxweynaha ku abuurtay cabsi ah in ay ku adkaan doonto in uu mar labaad xilka ku guulaysto, gaar ahaan markii la soo gaadhay sannadkii 1972 kii ee uu bilaabay ololihii dib u tartamista. Waxaa rajadiisa sii dishay fadeexad maalmahaas soo baxday oo sheegaysa in uu xarumo dawladeed, hudheello, xafiisyada xisbiga dimuqraaddiga iyo xafiisyo ay leeyihiin saxafiyiin uu dermbiyadooda ku rakibay qalabka wax lagu basaaso.

Nixon waxa uu isku qanciyey in sida ugu sahlan ee uu ku adkaan karaa ay tahay in uu basaaso xafiisyada xisbiga dimquraaddiga. Murankii ka dhashay fadeexaddan ayaana ugu dambayntii sababay in madaxweyne Nixon oo ka ordaya in maamuus ka xayuubin lagu sameeyaa uu xilka iska casilo. Isaga iyo masuuliyiintii sare ee xukuumaddiisaba waxaa dacwado looga furay maxkamadaha dalka Maryakanka, laakiin madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Gerald Ford oo si ku-meelgaadh ah xilka madaxweynaha u qabtay ayaa cafis buuxa u fudiyey Nixon, isla markaana ku maamuusay xasaanad aan ogolaanayn in la maxkamadeeyo.

Waardiyihii

Waardiyihii fashiliyey fadeexaddan waxaa loo sameeyey mushahar kordhin kooban. Laakiin muddo gaaban kaddib waa uu iskaga, tegey shaqada. Kaddib markii sida uu ku warramay wargeyska New York times, loo diiday codsi uu soo gudbiyey oo ahaa in hawshan uu qabtay lagaga abaalmariyo shaqo dallacsiin.

Nasiibdarro muddo dheer shaqo dambe ma’ uu helin oo warbaahintii uu aadka uga soo dhex muuqday iyo hadal hayntiisii badnayd ayaa sababtay in ciddii shaqo siin lahayd ay ka baqato in uu colaado siyaasadeed ama dhibaato amni u soo jiido.

Labaatan sano oo ka dambeeyey maalintii uu fadeexaddan fashiliyey Frank Wills waxa uu halgan ugu jiray, in uu dib u yagleelo noloshiisa, laakiin wax badan kuma uu guulaysan. Mar uu waraysi bixiyeyna waxa uu ka warramay sida meel kasta oo uu shaqo ka raadsadaa ay uga diiddo, isaga oo tusaale u soo qaatay jaamacadda Howard markii uu shaqo ka doontay u sheegtay in ay ka cabsi qabto haddii ay shaqo siiso in ay dawladda dhexe ka waayaan dhaqaalaha kabka ah ee ay siiso.

Ugu dambayntii Frank Wills duruufihii waa uu isu dhiibay waxa aanu go’aansaday in uu daryeelo hooyadii oo uu xanuunka faaliggu ku dhuftay, si uu isagu u noqdo qofka shaqaalaha ah ee ay dawladdu mushaharka yar ku siinayso daryeelkeeda. Waxa aanu lacagtaas oo bishii 450 doolar ahayd ka dhigay biil ay isaga iyo hooyadii ku wada noolaadaan.

Sannadkii 1979 kii, ayaa ay maxkamadi Frank Wills ku xukuntay 20 doolar oo ganaax ah kaddib lagu helay dembi ah in uu dukaan alaab yar ka xaday, haddana afar sano kaddib ayaa ay maxkamadi ku heshay xatooyo labaad oo ah in uu dukaan tafaariiqle ah ka xaday beer kabo ah, waxa aanay ku xukuntay hal sano oo xabsi ah.

Sida lagu sheegay xog ay faafishay shabakadda African American Registry, Frank Wills saboolnimadiisu waxa ay gaadhay in sannadkii 1993 kii uu iska bixin kari waayo kharashkii uu ku aasi lahaa maydka hooyadii oo geeriyootay, waxa aanay taasi sababtay in uu maydka siiyo jaamacad uga faa’iidaysata cilmibaadhisaha caafimaad ee ardayda.

Inkasta oo sannad ka hor geerida hooyadii u mar labaad maqalka magaciisu ku soo noqday dhegaha dadka, haddana waxba kama ay beddelin xaaladdiisii. Xisbiga Dimuqraaddiga oo xusayey sannad guurada dhacdadaas ayaa ay warbaahintu ku xasuusatay in ay Frank Wills waraysato.

Frank su’aal la weydiiyeo oo ahayd haddii ay maalintii maanta ahaan lahayd, ma fali lahady sida aad maalintaas samaysay? Waxa uu si cadho leh ugu jawaabay , waxa ay ka dhigantay in aad I weydiisay madow iyo caddaan midkee aad dooran lahayd. Frank waxa uu sheegay in sheegistaasi ay ahayd qalad noloshiisa khadkii ay ku socotay ka leexiyey. “Qof kastaa geesi baad tahay ayuu igu yidhaahdaa, laakiin ma hayo marag la taaban karo oo ii caddaynaya in aan geesi ahay. Shaqadii la ii diray ayaan siday ahayd uga soo baxay, haddana weli ma hayo cid diyaar u ah in ay shaqo ii dirsato”

Ugu dambayntii Frank Wills isaga oo 52 sano jir ah ayaa uu u dhintay kansar maskaxda kaga dhacay.

Saddex maalmood kaddib dhimashadiisiina waxaa bilaabatay in la ammaano, abaalmarinno iyo shahaadooyinna magaciisii lagu maamuuso. Hay’adda xuquuqda rayidka ah u dhaqdhaqaaqda ee NAACP ayaa xus abaal marin ah u samaysay, Fannaanka caanka ah ee Harry Nilsson ayaa mid ka mid ah albannadiisii soo baxay 1973 kii u hibeeyey, xisbiga dimuqraaddiga ee uu jidkii uu kursiga ku qabsaday u xaadhay ayaa isna shahaado ku maamuusay magaca Wills, guddoomiyuhuna sheegay in uu ahaa halyeey taariikhda qaranka kaalin weyn ku leh.

Laakiin qofka keliya ee Frank Wills intii uu noolaa arrintiisa si fiican uga hadlay waxa uu ahaa xildhibaan Jame Mann oo ka tirsanaa golaha wakiillada Maraykanka, gaar ahaan xisbiga dimuqraaddiga oo markii uu codkiisii soo jeedinta maamuus ka xayuubinta Nixon dhiibanayey golaha ka dhex yidhi, “Haddii aanu la xisaabtan iman, madaxweyne kale ayaa xor u noqon doona in sida uu rabo uu u dhaqmo. Laakiin waxa aan idiin sheegayaa in hadda kaddib aanu jiri doonon waardiye habeenkii shaqadiisa sideeda u qabsadaa” ayaa uu yidhi, isaga oo u duurxulaya in waardiyihii hore ee Wills uu dayacan yahay, waqtigaas oo ahaa hal sano uun kaddib markii uu arrintan fashiliyey.

La soco qiso kale iyo isbeddel dhaliye kale…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here