Somaliland Oo Lixdii Bilood Ee Sannadkan U Horeeyay Jaad Ku Soo Iibsatay 190 Milyan Oo Dollar

0
701

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland lixdii bilood ee sannadkan u horeeyay ay soo iibsatay qaad dhan 19 milyan oo kiiloo oo ay ku baxday lacag dhan 190 milyan oo dollar.

Wasiir Sacad oo soo xidhayay kulan ay ardayda jaamacaduhu ku faaqidayeen caqabadaha hortaagan dhaqaalaha dalka, waxa kale oo uu ka hadlay caqabado kale oo hortaagan in dalka ay wershado ka abuurmaan, kuwaas oo samayn lahaa shaqo abuur,  “Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas I gelinayaba.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay “Imika hadaad is tidhaahdo wershad same oo hangar u baahan waa inaad dhul iibsato soo dayrto, biyo  keento, laydhka keento intaas oo kugu kacaya qiyaastii milyan dollar badhkeed intaanad wershad keenin, waxa kale oo jira ma lihin xirfadihii wershadaha oo birta jabta Germany ama hindiya ayaa loo qaadayaa.”

Wasiir Sacad oo ka hadlaya lacagta adag ee Somaliland qaadka kaga baxda wuxuu yidhi “Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye, mushkiladu lacagta oo keliya maaha ee waa wakhtigii; caafimaadkii, iyo dhaqankii, waxaynu nahay umad daroogo la qabsatay, waana meelaha loo baahanyahay in wax laga qabto haddaynu doonayno inaynu horumarmno.”

Wuxuu intaas ku daray “Kal hore cashuur yar baan ku kordhinay, inaan cashuurtaas ku kordhino mooyee wakhtigan xaadirka ah joojinteedu waa tallo qaran, anigu waxaan qabaa inaynu joojino laakiin waa fikirkayga, xaqiiqdu waxa weeye ila toban kun oo qof ayaa ku nool oo nolol ka hela markaas waa inaynu u samaynaa ilo kale dadkaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here