Suldaanka Guud Ee Beelaha Habaryoonis Oo Sheegay In Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Uu Qabsoomayo

0
1157

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryooni Suldaan Maxamed Suldaan Xirsiqani, ayaa sheegay in shirka beeshooda iyo beesha bariga Burco uu qabsoomi doono isla markaana aanu ahayn shir uu Boqor Buurmadow uu abaabulay ee uu yahay shir Suldaan  Maxamuud Guuleed uu soo jeediyay isla markaana ay ka aqbaleen.

Waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Xirsiqani uu ka waramay sida shirkaasu uu ku yimi iyo in la wado qabanqaabadiisa, waxaanu xukuumada ugu laab qaboojiyay in aanu  ahayn  shir

siyaasadeed,suldaanka guud ee Beesha Galbeedka  Burco ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaanu ku bilaabay“ Shirkaasu waxa uu ka dhashay  bishii todobaad ee sanadkii 2018-ka maalintii loo anbabaxayay nabadaynta Ceel-afweyn rag badan oo labada beelood ah oo aad u tiro badan oo madax dhaqameed ah iyo siyaasiyiin iyo cid walba leh ayaanu ku kulanay hudheelka la yidhaahdo Ambasador Suldaan  Maxamuud Guuleed alle khayr ha siiyee oo ka soo jeeda beesha Habar-jeclo ayaa soo jeediyay laba qodob oo ah waxaynu u anbabaxaynaa dad aynu ka dhalanay  in aynu

dhexdhexaadino ayaan u anba baxaynaa dadkeena iyo inagana waxa inagu dhex jira xurguf ka dhalatay doorashooyinkii iyo wax la mid ah, waxa haboon in labadeenan qolo lafteeda ee wada socdaa aan is dhaarsano inaan arintaas daacad ka noqono, inaan is dhaarsano inaan dadkaas dhex u nahay meeshaas yaynaan dab ku kordhine waxa kale oo muhiim ah inaan shir u qabano umadda guud ahaan iyo gaar ahaanba labada beelood si xurguftaasi ay meesha uga baxdo oo dadkaas loo walaaleeyo. Beesha Garxajis ilaa 120 rag ah ayaanu halkaas ku joognay waanuna soo dhawaynay, waana ka mahadcelinay,waxaanay odayga iyo ragii la socday ay yidhaadeen gogashaana anaga ayaa dhignay, aad ayaanu u aqbalnay, sidaad ayuu shirkani ku dhashay, mana aha mid Buurmadow ku dhashay mana aha iyo mid cid lagu xumaynaayo toona, maaha mid cidna lagu soo dhawaynaayo cidna lagu fogaynaayo. ”                                                                                                                                                                                                                                                            Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “  shirkaasi waa shirka sidaas ku soo bilaabmay, waxaanuna rajaynaynaa inuu midho wanaagsan uu dhalo oo umadda isu soo dhaweeyo lagu walaaloobo guud ahaanba uu dalka wada gaadho, intaan shirka jaraa’id u qabtayna waa madmadowga shirkaas soo galay aadna qolada gogosha dhigtay waanu ugu mahad celinaynaa, waanuna u diyaar garoobaynaa oo gudidii nooga qaybgali lahaydna waan ku jirnaa xulidooda.Waxaanu rajaynaynaa bishan shuwaal dhamaadkeeda inuu shirkaasi bilaabmo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here