Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Go’aanka Guurtidu Qaadatay

0
532

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka guddoomiyaha aqalka golaha Guurtidu uu kaga soo hor-jeestay heshiiskii ay sadexda xisbi iyo xukuumadu ka gaadheen khilaafkii muddooyinkii danbe ka dhashay muddo kordhintii ay golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumada Siilaanyo iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaameen in guddoomiyaha Guurtidu Md.Saleebaan Maxamuud Aadan uu ka soo horjeesto go’aan si wada jir ah loogu xaliyey khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in aanay bulshadu u baahnayn in dib loogu celiyo khilaaf iyo khal-khal siyaasadeed oo si wada jir ah hore loogu dhammeeyey.

"Annagu ka xisbi ahaan, waxaanu qeyb ka nahay sadexdii xisbi ee ku heshiiyey in doorashooyinku qabsoomaan badhtamaha bisha Laba iyo Tobnaad ee sanadka danbe, hada hadalada ka soo baxaya guddoomiyaha golaha Guurtiduna runtii waxa weeyaan waa arrin aad iyo aad loola yaabo, waa arrin dadkii Somaliland oo dhammiba ay aad ula yaaban yihiin waayo dee wax ay sadexdii xisbi qaran ku heshiiyeen oo aanay cidina ku maqnayn uu isagu yidhaahdo uun kaligii sharci ayaan difaacayaa, sharci la difaacayana aan runii la arkayn, waxaana aan annag isleenahay arrin taasi waa arrin Somaliland u taala, sadexda xisbi qaran waa ay heshiiyeen xukuumadiina qeyb ayaa ay ka ahayd, madaxweyne ku xigeenka ayaa nala saxeexay, sadexda guddoomiye xisbina waa ay saxeexeen, runtii waxa maanta halkaa ka soo noqonayaa maaha wax ay umadda reer Somaliland u baahan tahay maaha, wax nin weyna uu ku taliyo maaha, qaranimada iyo wada-tashiga Somaliland hore ayaa ay ugu caano maashay oo haddii uu khilaaf dhaco in wada-tashi lagu soo dabaalo, go'aana meel la isla wada dhigo, waxii maalmahii dhaweyd dhacayna wada-tashi ayaa aynu kaga talaabsanay, waana aynu isku nimi, go'aan ayaana aynu meel wada dhiganay, go'aankaas aynu meesha wada dhiganayna in uu shaqeeyo ayaan annagu kolayba dhiiri galinaynaa.".Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.