“Haddii Distoorka La Ixtiraamyo Waayo Nin Walba Jihdada Uu U Jeedo Ayuu Ka baxayaa”

0
558

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa guud ahaan si adag uga hadlay xaalada dalka, waxaana uu sheegay in laga dul talaabsaday ku dhaqankii shuruucda dalka iyo Dastuurkii qaranka Somaliland, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay beesha dhaxe ee Somaliland ay gabi ahaanba wax walba isku koobtay, waxaana uu carabka ku adkeeyey in aan marnaba la aqbali karin in waxii waagii hore lagaga caban jiray dawladii kaligii taliska ahayd ee Siyaad Barre ay hadana ku dhaqanto beesha dhaxe.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in haddii la ixtiraami waayo Dastuurka iyo shuruucda dalka aan la wada joogi dooni Somaliland.

"Waxaan ixtiraamayaa oo aan ku dedaalayaa waxii ay Somaliland ku heshiisay inkasta oo ay beeshii dhaxe ka baxday oo qodabadii aynu saxeexanay ee aynu dastuurka ku qoranay, hadana annagu waanu ixtiraamaynaa, cid hada magac leh oo Xamar naga joogta ma jirto, Kow cida Xamar joogta waa idinka, waa ta Labaad ee' waxii dalka yaalay oo dhanna idinka(beesha-dhaxe) ayaa qaatay, Xamar ayaa aynu ka nimi oo waxaa aynu nidhi xaqdarro ayaa laynagu sameeyey, hadana tii aad idinku ka dacwooteen haddii aad halkan ka samaysaan umma dulqaadanayno, mana wada-joogayno, nin walbana meel ayaa uu ka yimi oo meeshiisii ayaa uu tageyaa, haddii Dastuurka la ixtiraami waayo, haddii sharciyada la ixtiraami waayo, nin walba jihada uu u jeedo ayaa uu tegayaa, anna Daaroodnimo ayaan sheeganayaa markaa, anigu waligay Kalmada maan soo qaadin, manaan odhan, sababta aan u soo qaadanayana Inna Cali Waraabe ayaa ka mas'uul ah.".Ayuu yidhi Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu eedaymo ugu soo jeediyey shir-guddoonka aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu carabka ku dhuftay in dalka lagaga dhaqmaayo qabyaalad aad u ba’an.

"Shir-guddoonka halka jooga ee golaha Wakiilada xaaraan ayaa lagu siiyey kursiga, inna Riyaale maalintii Kursiga la siiyey guriga madaxweyne ku xigeenka, ayaanu subaxii ka soo kacnay, waanu ku soo quraacanay waxbaanu isku ogeyn olole ayaa la galay, gabi ahaanba annagu markaa Udub ahaan codka waanu haysanay, hadana Tobankii ayaa lanala soo hadlay oo la yidi warkii hore ka noqo oo kaas raac oo Cabdi waraabe ayaa yidhi Geel Ooman iyo Geel cokan ayaan u garnaqoo, Geela ooman ayaan waraabinayaayee Riyaalo liq taada, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore oo sharci yaqaan ah, golahana hore u joogi jiray, ayaa arrintaas arkay deedna markii laga qaadan waayey tiisii, waxaa la yidhi qaado go'aanka, Cirro taas ayaa uu ku yimi, iyada oo taas ay tahay Ciro, waxaan ka doonaynay in uu cadaalad nagu maamulo anigu waxaan ka mid ahay gudida illaalinta hantida qaranka, Laba goor ayaa barnaamij noo soo baxay, mar guddoomiye ku xigeen ayaan ahaayoo, guddoomiye ku xigeenadii oo dhan waa la ka xeeyey oo waxaa la geeyey Itoobiya, iyada oo ay ahayd in ay mudaneyaasha oo qudha ay tagaan ayaa shir-guddoonkii oo dhanna raaceen, baasaboorka soo bedal ayaa la igu yidhi deedna kii Somaliland ee diblomaasiga ayaan soo qaatay, lacag ayaan ku bixiyey, markaan  lacagtii bixiyey ee fiisahii la iikeenay ayaa hadana la i yidhi ka noqo nin habar-jeclo ayaa ku dhoofaye adigu Daarood ayaad tahayee ma dhoofaysidee. Baashe waxaa uu yidhi guurtidani maxay tahay, maalintii horena waxaa uu yidhi boqol dollar ayaan ku imi, waxii gubanaaya iyo waxii kaleba waxba kama galin, waxaan leenahay anagu Barroon ayaan ku nimi markii nala soo dooranayey, waa la i soo weeraray, gurigayagii iyo hantidayadii ayaan u iibinay halkan, waxa lagu dhaqmayaa waa qabyaalad, mid la igu eryanayaana waa qabyaalad iyo Kulmiye ayaa uu ku jiraa".Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.