Shirkadda Diyaaradaha Ee Uganda Airlines Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Magaalooyin Ay Hargeysa Ku Jirto

0
601

Kampala (Geeska) – Shirkadaha diyaaradaha ee Uganda Airlines, ayaa ku dhawaaqday inay ballaadhinayso Duulimaadyada ay ku tagto Dalalka Afrika iyo kuwa Qaaradaha kale, sida Aasiya.

Shirkadda oo rejaynaysa inay soo gaadho diyaaraddii labaad ee Airbus ah oo ay soo iibsatay, ayaa qorshaysay inay sannadkan cusub duulimaadyo Caalami ah bilowdo isla-markaana kordhiso dalalka Afrika ee ay duulimaadyada Joogtada ah ka samayso.

Shirkadda ayaa qorshaysatay inay sannadkan cusub duulimaadyo ka bilowdo Dalalka Afrika ka baxsan ay ka mid ah Mumbai oo Hindia ah, Dubai, London iyo Guangzhou.

Sidaasi oo kale, Shirkadda oo bishii August ee 2019 bilowday duulimaadyadeeda ganacsi, ayaa hadda si toos ah ugu duusha Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Jubba, Bujumbura iyo Mogadishu.

Laakiin, Qorshaha kale ee Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa ah inay duulimaadyadeeda ku ballaadhiso Dalalka kale ee Afrika, waxayna mustaqbalka duulimaadyo ka bilaabaysaa Kinshasa oo Koongo ah, Zanzibar, Asmara Ereteriya ah, Hargeysa oo Somaliland ah, Lusaka oo ka tirsan Zambia, Harare oo ka tirsan Zimbabwe, Johannesburg oo Koonfur Afrika ah, Jabuuti iyo Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidaa waxa baahisay Warbaahinta Newvision.co.ug oo xaruntiisu tahay dalka Uganda, kaasi oo uu Wargeyska Geeska Afrika.

Warkan ayaa imanaya Toddobaadyo uun ka dib, markii Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis ay ka mid tahay in bisha saddexaad ee sannadkan ay diyaaradda Kenya Airways duulimaadyo ka bilowdo Magaalada Hargeysa.

 

Geeska.net/Hargeisa Office