Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dhallinyaro La Sheegay In Lagu Xidhay Boorama

0
448

Hargeysa(Geeska)Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa cambaareeyay xadhiga wiil dhallinyaro ah oo lagu xidhay Boorama, isaga oo ku baaqay in aan dhallinyarada la cabudhin.Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa xukuumada uga digay in ay dhallinyarada cabudhiso.
“Waxaanu leenahay waar halaga daayo dhallinyarta cabudbinta, waar ha laga daayo dhallinyarta la xidhayo, cabudhinkasta waxay samaynaysa in umadu sii kacdo, umada ka daaya waxa aad rabtaan in aad marsiisaan, umada dhagaysta” ayuu yidhi Faarax.
Waxa uu sheegay in shacabka reer Awdal ay la dareenyihiin xisbi ahaan, isla markaana ay doonayaan wixii reer Awdal ay Somaliland ku lahaayeen.
Wasiirada iyo saraaakiisha reer Awdal ee ku jira xukuumada oo qaar kamid ahi Boorama hada ku suganyihiin, ayuu sheegay in ay dhallinyaradii kusoo noqdeen oo ay xidhxidhanayaan.
Waxa uu ugu danbayntii, Shacabka reer Awdal u sheegay in ka xisbi ahaan ay ogyihiin waxa ka maqan gobolka Awdal isla markaana, ay sixi doonaan saami qaybsiga.