Madaxa Hay’Adda Sirdoonka Maraykanka Oo La Fiyaalyo In Uu Tago Israa’iil Iyo Safarka Xoghaya Arimaha Debadda Maraykanka Oo Wali Bariga Dhexe Xal-Taageero Uga Raadinaya Israa’iil

0
367
LONDON, ENGLAND - JUNE 21: US Secretary of State Antony Blinken addresses the opening session on the first day of the Ukraine Recovery Conference at InterContinental London O2 on June 21, 2023 in London, England. The UK and Ukraine jointly host the Ukraine Recovery Conference 2023 and will focus on mobilising international support for Ukraine's economic and social stabilisation and recovery from the effects of Russia's illegal war. (Photo by Henry Nicholls - WPA Pool/Getty Images)

 

Maraykanka (Geeska)Dowladda Mareykanka ayaa waddamada Carabta ku cadaadineysa in ay dalbadaan codsi ku saabsan xabbad-joojin ka dhaqangasha Bariga Dhexe gaar ahaan Magaalada Gaza si nafis ay u hesho Israaiil oo khasaarihii ugu badnaa kasoo gaaray dagaal ay gasho sanadahaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dulmeereysanaya Dalalka Carabta gaar ahaan waddamadii horay heshiiska la galay Israaiil maadaama Washington hubkii ugu cuslaa ay gacanta u gelisay Yuhuudda balse ay ka gudbi la’ dahay deegaannada qaar.

Xogaha Maraykan ayaa  sidoo kale la filayaa in maalinta isniinta ee usbuucan safarkiisa uga sii gudbo dalka Ciraaq, kalsaas oo la sheegay in Kooxo Dagaalyahano ah ay saldhigyadiisa Iraaq gantaalo ku wareerareen.

Blinken oo socdaal ku maraya waddamo badan oo bariga dhexe ah, ayaa wadahadalo la yeeshay Raysal-wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani maalintii Axaddi la soo dhaafay, xilli Washington ay Baqdaad ka codsanayso inay ka caawiso sidii ay uga hortagi lahayd weerarrada ka dhanka ah ciidamada Maraykanka oo ay ku eedaysay kooxaha Iran taageerto, taas oo Maraykanku ka Baqdin qado in isaga iyo ciidamadiisa caqabad ay ku noqoto joogitaanka bariga dhexe arimaha ku saabsan gadoodka shacabka iyo kooxo is-abaabula oo la safan Qassa.

Sidoo kale Mareykanka ayaa raba in la raad-duugo weerarkii Dadka rayidka ee gaaraya 500 oo ruux ay ku dhinteen ee Israaiil ku qaadday Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaza ku yaalla 17kii Oktoobar 2023 iyo duqeyn kale oo ay ku beegsatay xeryo barakac & xarumo Waxbarasho iyo ugu dambayn habeenimadii Iniinta shalay oo duqaymihii ugu badanaa israaiil ka gaysatay Qassa, gaar ahaan xuryo-qaxoonti kuna dilay dad gaadhaya 53, tiro inta ka badana ku dhaawacay.

Dhanka kale, Teleefishinka Aljazeera ayaa dhowaan daabacday in Mareykanka iyo Israaiil ay isku qabteen go’aankii Tel Aviv ay ka diiday Washington oo ahaa in aanay marnaba isku dayin weerar dhulka ah oo ay ku galaan Gaza balse markii ay isku dayeen arrintaas khasaaraha ku kordhay.

Safar Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Maraykan ayaa la filaayo in uu Israa’iil ku yimaado todobaadkan.  Haddaba, dadka arimaha amninga lafa-guraa ayaa ku tilmaamayaan in kadib iska caabain iyo Culays baaxad leh oo Israa’iil kaga timi dagaalkii dhulka ay muhiim noqotay in talo sirdoon iyo xogo xaga dhulka laga caawiyo israa’iil, iyadoo todobaadkanba Diyaaradaha daroonka ee wax-basaasa ay hawl-galada ka wadeen qassa. 

Dawlada Maraykanka oo u muuqata in ay dhabar-jab wayn kala kulantay taageerada Israa’iil, taas oo keentay in saamayntii maraykanku addunka ku lahaa hoos u dhacdo iyo Dawlada israa’iil oo hab-cududeed iyo mid xeeladeed toona xal uga gaadhin dagaalka ayaa doortan u muuqda in Madaxda Aminiga Maraynka, gaar ahaan sirdoonka ay si toosa uga caawinayaan dhanka hawl-galka, taas oo noqon karta shaxda miiska lagu qorsheeyo ee dagaalka.