Kamaal Marjaan Oo Lagu Casuumay Sanad Guuradii 100aad Ee Wadanka Turkaga Lagu Qabtay

0
290

 

Farxad bay ii ahayd in aan ka qaybgalo munaasabadda xuska boqol guurada jamhuuriyadda Turkiga.

“100 sanno ayaa laga joogaa markii Turkigu uu noqday jamhuuriyadda hadda jirta. Ka hor iyo dawladdii Cusmaaniyiinta ayaamaheedii dahabiga ahaa iyo markii ay saaxadda ka baxday, waa taariikh dheer oo hadda aynnaan u socon, waxa se dareen igu abuuray xaaladda Turkigu sida ahayd maalintii jamhuuriyaddan lagu dhawaaqayey iyo halka ay maanta joogto.

Waxaa ku jira cibaaro, marka la barbardhigo maanta Soomaalida oo 63 sanno ay gobannimadoodu tirsanayso, iyo 37 sanno kaddib, marka ay boqol jirto sida ay u ekaan karto, iyada oo la eegayo dariiqa ay hadda hayso.

Waa dhab in duruufo badani ay kala duwayaan oo isbarbar dhiggu uu mararka qaarkood cadaalad darro noqon karo, waxa se iyaduna run ah inay jiraan xaalado ay iska shabbahayeen, sidaas awgeed ay mudantahay in duruus laga qaato.

1923 kii ayaa uu Turkigu ka soo dhex baxay dambaska Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta ee ku jabtay dagaalkii Koowaad. Bulshada badankeedu waxa ay ahayd reer baadiye iyo beeraley noloshoodu aad u hoosayso, magaalooyinku waxa ay u badnaayeen tuulayaal, caasimadaha waaweynina waxa ay ahaayeen kuwo aan horumarsanayn, adeegyo fiicanina aanay ka jirin.

Dhaqaaluhu waa uu hooseeyey, nolosha dalkuna waxa ay ku tiirsanayd wax soo dejinta, halka kaabayaasha dhaqaale iyo nololeedna ay ahaayeen kuwo aad u dib dhacsan, heerka saboolnimaduna uu halka ugu sarraysa marayey.

Diblumaasi ahaan waxa uu ahaa dal la faquuqay, quwadihii Yurubna guntiga u giijisteen boobista dhulkii uu ka talinayey, intii la jaalka ahaydna ay badankoodu kaba sii liiteen Turkiga, jabkii kaddib.

Ururkii xidhiidhka ummadaha (Qaramada Midoobey ka hor) kuma uu jirin Turkigu, dalalka deriska badankoodu Turkiga ayey ka go’een oo colaad baa looga hayey, waxaana ruugagga dhulka ugu sii dhuftay xayiraadihii dhabarka loo saaray ee heshiiskii jabka ‘Axdiga Lausanne’.

Dawladnimadana, waxa uu ahaa dal wax kastaa bilow yihiin, kaddib muddo dheer oo hoos u dhac soo ragaadiyey intii dawladda Cusmaaniyiintu ay xanuunsanaysay, dagaal weyne ku jabay, halgan gobannimo doon oo adagna ka soo baxay.

Ka sii daran ee waxa uu dalku qaatay, aragti dhaqanka dadka iyo dalkaba ku cusub oo ah calmaaniyad, dimuqraadi ah, inkasta oo nidaamku uu weli ahaa mid gacanta hoggaanka ku urursan.

Boqol sanno kaddib maanta, Turkigu bulsho ahaan waxa uu u badan yahay magaalooyin illaa heer macquul ah horumarsan, dabaqadda dhexe ay xawaare fiican ku kordhayso, waxbarashada, shaqaalaynta, iyo kaabayaasha nolosha oo dhanna horumar iyo horusocod muuqdaa ka jiro.

Dal ilihiisa dhaqaale kala duwan yihiin, diblumaasiyaddana ku leh saamayn dunida oo dhammi ku xisaabtanto, dalalka waaweynna muhiimad gaar ah u leh, sida Maraykanka iyo dhammaan reer galbeedka.

Turki waxa ay ku guulaysatay inuu hirgeliyo nidaam dawladeed isu dheellitiran, isla xisaabtan ka jiro, hannaanka xisbiyada badanina uu si buuxda u shaqeeyo, maanta jidka uu haya waa mid laga filanayo horusocod natiijooyin waaweyn dhala.