Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Awaamiir Gaadiidka Dadweynaha Ku Qasbaya In Caymis La Geliyo

0
459

Hargeysa (Geeska) – Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Hay’adda Caymiska Qaranka, waxaanu tilmaamay inay sharci daro tahay iyo amar ku soo rogto Gaadiidka ka soo degaya Dekadda Berbera, waxaa kale oo uu xusay in aanay ilaa hadda Hay’addu lahayn Xeerka Caymiska Qaranka.

 Xoghayaha Ganacsiga, Warshaha iyo Dalxiiska ee Xisbiga Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay“Hay’adda Sharcigeena la ansixiyey ee soo rogtay amar ah in aanu gaadiidku Dekadda Berbera ka soo bixi karin ama gali karin, lagana soo dajin karin ilaa iyo ay is cayimayaan, Shirkad gaar ahna laga cayimayo, maanta oo ay bishu tahay 15/09/20221, ayuu ku eekaa, in aanay Baabuurtu Dekadda gali karin, kana soo bixi karin, shalayna waxaa hadlay ururka macradlayaasha Somaliland oo arintaas si adag uga soo hor jeestay, markaas anigoo ah Xoghayaha Xisbiga Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, waxaanu codkayaga ku biiraynaa oo aanu mawqifkayaga ka caddaynaynaa aanu arintaas ka qabno Hay’adda Caymiska oo la sameyey 2021 sannadkan gudihiisi, laguna aasaasay xeer no 92 2021, waajibkaa iyo amarka ay soo rogtay waa mid sharci daro ah, waa mid aan waafaqsanayn Dastuurka Qaranka iyo Xeerarka dalka, waa mid aan waafaqsanayn Xeerkeena”.

Mar uu ka hadlaayey qaab dhismeedka Guddida wuxuu yidhi “Qodobka 8aad iyo 9aad Xeerka ay Hay’addu ku aasaasan tahay, wuxuu dhigayaa in Hay’adda qaab dhismeedkeeda maamul uu yeesho Guddi sare oo u qaabilsan Siyaasada, Boodhkaas oo ay ka mid yihiin ama Guddoomiye ka yahay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka Dhexe xubin ka yahay, Guddoomiyaha Caymisku ku jiro, xubin Guddida Qareenada ka socota, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo xubin Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu soo magacaabayso, Hay’addu waa Hay’ad aan wali dhismaheedii dhamaystirmin, qodobka 9aad farqadiisa 7aad waxay leedahay Xeer Madaxweyne ayaa lagu soo saaray boodhka, marka kowaad Hay’adda Caymiska Gudidii ay ahayd in loo dhiso looma dhisin, Xeer Madaxweynana laguma soo saarin, Guddi xeer ahaan ma dhisna, mar labaad waxay ahayd inay Guddidu soo saarto Xeer nidaamiye, kana may samayn, Xeerka imika jira waa Xeerka ay Hay’addu ku aasaasantay, ilaa iyo haatana Qaranku ma leh Xeerka Caymiska Qaranka, oo Xeer ka hadlaya waajibkaadka iyo xuquuqaha cidda la cayimanayo iyo cidda wax cayminaysa danayayaasha  iyo diiwaangelinta Shirkadaha iyo Xeerkii caymiska oo dhan Xeer ka hadlaya oo qaranku leeyahay ma jiro”

 

Geeska.net/Hargeisa Office