Dawladda Norway Oo Doonaysa Inay Door Ku Yeelato Wada-hadallada Somaliland & Soomaaliya Iyo Dublimaasiyiin Nabadda Afgaanistaan Ka Shaqeeyay Oo Hargeysa Yimid

0
426

Dawladda Norway ayaa Kaalin ka qaadatay Heshiiskii Maraykanka Iyo Daalibaan

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Norway ayaa doonaysa inay qayb ka noqoto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo hagad ku yimid.

Wefti uu hoggaaminayey Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya isla-markaana ay ka mid ahayd Haweenay ka mid ah Waaxda Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway oo Toddobaadkii hore socdaal ku yimid Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo bandhigay inay qayb ka noqdaan Wada-hadallada.

Sidaana waxa sheegay Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo ka qayb-galay kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Weftiga Norway, ayaa sheegay in Haweenayda ka mid ah Waaxda Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee Norway ee Weftiga Hargeysa yimid ka mid ahayd, ay door ku lahayd Wada-hadalladii Daalibaan iyo Maraykanka ku dhex maray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo u warramay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya way hakadeen, markaa Dawladda Norway oo ka mid ah Dawladaha Adduunka ugu horreeya dhexdhexaadinta meelaha dhibaatooyinku ka jiraan, iyaga oo imika ka soo baxay Afgaanistaan, way la joogeen markii Dooxa ay ku shirayeen (Daalibaan iyo Maraykanka) gabadhan lafteeda ayaa la joogtay.”

Wakiilka oo la waydiiyey in Weftiga Norway arrintan kala hadleen Madaxweynaha Somaliland, ayaa ku jawaabay “Haa…..waxyaabaha ay doonayaan inay ka mid ahayd, su’aasha ugu adag ee ay Madaxweynaha waydiiyeen waxay ahayd ‘Sideed rabtaa inaanu Wada-hadalladaa u galno’, waxayna sii abuurayaan waxa laguugu soo hagaagayo intayna waxan gelin…”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office