Xildhibaan Shaadh Oo Soo Jeediyey In Bixinta Sadaqada Lagaga Hor-tago Covid_19

0
624

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh), ayaa ka hadlay xanuunka Coronviruska, waxaanu ku baaqay in ALLE ka cabsiga iyo sadaqada la badiyo, tallooyinka ku waajahan ka hor taga xanuunkana la qaato.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan(Shaadh), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiiska ku bilaabay “Waar ALLE ka cabsiga  iyo saqada aynu badino, waatan oo Adduunkii uu yaaban yahaye, ee  ALLE bariyadiisa marnaba yeynaan ka daalin,  dadkeena masaakiinta ah aynu hoos u eegno oo aynu u naxariisano, oo aynu wax siino, maxaa yeelay bishan waa bishii ajar walba oo la sameeyo darajada laga helaa ay sii kordhaysay, xanuunkana waa mid ka mid ah masiibooyinka, ee ALLE ha inaga nabadgalyo, dadkeena uu hayana ha ka kiciyo, ee tallooyinka iyo awaamiirta ku saabsan in Coronaha lagaga hor tago ha si toos ah qof walba ha u dhaqan galiyo”

Xildhibaan Shaadh ayaa ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland.