Xisbiga UCUD Iyo Xildhibaano Si Adag U Cambaareeyay Qaddiyadda Ganacsade Axmed Cismaan Geele

0
774

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid iyo xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa Jabuuti iyo xukuumada Somalilandba ku dhaliilay inay u hanqal taagaan in muwaadin reer Somaliland ah oo maalgashi dalka galiyay la dhibaateeyo.

Masuuliyiintan ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay difaacaan sharaftooda iyo ganacsade Axmed Cismaan Geele. Xoghayaha arimaha  gudaha xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ugu horayntii waxa uu warbaahinta u sheegay “ Amuur halis ku ah ama mu’aamaraad loo soo maleegay dalkeena oo la doonayo in bulshada reer Somaliland layskaga horkeeno iyo in la shaki galiyo maalgashadayaasha Somaliland, waxaanu u aragnaa markaanu ka tashanay Ucid oo ana u hadlaayo arinkan foolxumada badan oo lagu weeraraayo maalgashadayaasha dalkan ama muwaadiniintiisa oo ka imanaaya cadawyada koowaad ee dalkan leeyahay,dalalbadan oo aan jaar nahay ma dunida ku nool ayaan ogolayn gooni isku taaga JSL, waxaan xukuumada ugu baaqaynaa inay talaabo degdeg ah ka qaado cid kasta oo arintaas ku lug lahayd.”

Ramaax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan soo qaadanayaa maahmaahadii Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal uu Jabuuti ku yidhi takartii maroodiga dul fuushanayd ee ku tidhi waan duulayaaye is adkee, maroodigii waxa uu ugu jawaabay kumaba ogayn inaad idul saarantahay, mu’aamaraadka laga soo maleegayo Jabuuti ee la rabo in lagu khalkhal galiyo xukuumada JSL iyo muwaadniinteeda socon mayso, kiiska loo haysto ee maalmahan aad maqlayseen ee ganacsadahaas weyn ee dalka meheradaha ku leh ee maalgalinta badan dalka ku leh ee muwaadinka ah waxaanu u aragnaa inuu qalad yahay.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa isna yidhi “Arinka taagan ee ku socda muwaadinka reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geele ay socoto sidii Jabuuti loogu gudbin lahaa arintaasina wax ay Somaliland aqbalayso maaha, jabuutina nama dhex yaalo xeer aanu isugu gudbino muwaadiniinta ama lagaga ganacsado, waa danbi waana  fal weyn oo laga galay umadda Somaliland cidii arintaas ku kacdaana iyada ayaa og halka ay galayso. Umadda reer Somaliland waxaan leeyahay muwaadinkaas shaqo abuurka badan u sameeyay umadeena ee shirkada kaliyaata ee caalamiga ah ee aduunka laga yaqaano eenay dalka in maanta loo soo dhawaadaa ihaanad idinka laydunku sameeyay.”

Sida oo akle Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa dhankiisa isaguna arintan ka hadlay“Muwaadinkaas waa la soo dhacay waxa uu sheeganayaa 128 milyan oo doolar isaga oo ooyaaya ayuu halkan yimi intii yarayd ee uu la soo qaxay ayuu warshadaas ku sameeyay, 2500 qof ayaa ka shaqeeya waxaanu leenay haduu joogo Muqdisho ayaad soo qaban lahayde Hargeysa hadduu joogo qof u iman kara ma jiro waxaanu leenay Jabuuti waxii aad noo gaysateen waxba hanoogu darina.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here