“Warqadaasi Waa Been Abuur”

0
881

Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda, Ahna Wasiirka Gaashaandhiga

Hargeysa(Geeska) -Wasiirkii hore ee cadaalada Cabdiqani Maxamuud Cateeye haddana ah wasiirka gaashaandhiga ayaa beeniyay warqad baraha bulshada dhex wareegaysa oo sheegaysa in wasaaradu amartay in la soo xidho ganacsade Axmed Cismaan Geele. War kooban oo ay wasaaraddu cadaaladu soo saartay ayaa u dhignaa “Wasiirkii hore Wasaaradda Caddaaladda JSL ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gashaandhiga JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxuu bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in ay been abuur cad tahay warqada ku dhex wareegeysa baraha bulshada ee sheegeysa wareejinta Muwaadin Axmed Cismaan Geelle Warqadaasuna haba yaraatee aanayna kasoo bixin xafiiska Wasiirka cidda warqadan qortayna ay tahay dad neceb jiritaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland Masuuliyiinta kale Wasaaradduna ma jirto cid ay aflagaado u geysteen muwadininta,ganacastada iyo salaadiinta JSL waxay naga mudan yihiin sharaf iyo qadarin buuxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here