Xisbiga UCID Oo Xubinimadii Xisbiga Ka Saaray Xoghayihii Guud Ee Hore Oo La Eedeeyay

16
570

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ayaa sheegay inay xubinimadii xisbiga ka saareen xoghayihii guud ee hore ee xisbiga UCID Axmed Aden Kayse, oo xilka hore iskaga casilay.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Xuseen Xasan Badmaax, ayaa waxa lagu yidhi, “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 21/12/2013 Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid  Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casiley,Lagana Aqbaley

Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga Ucid,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid.”

Xisbigu wuxuu ku eedeeyay Axmed Kayse, inuu si badheedh ah u jebiyay xeer hoosaadka xisbiga UCID.

 

Comments are closed.