Gudoomiye-Cirro Oo Baahiyay Magacyada Guddoomiyayaasha Guddi Hoosaayada Cusub

0
558

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa wareegto ku soo saaray guddoomiyayaasha iyo xoghaymaha ay doorteen guddiyada cusub ee dhawaan la sameeyay.

Wareegtadan oo sida ku cadayd dhaqan qalaysay shalay oo bishu ay ahayd 21-12-2013, waxa ay u dhignaayeen sidan. “Guddida joogtada ah iyo anshaxa ee golaha wakiilada waxay guddoomiye u doortay Ibraahin Mahdi Buubaa, halka xoghayena laga dhigay Axmed Ducaale Bulaale. Guddida Ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka waxay guddoomiye u dooratay Maxamed Cali Xirsi, halka xoghayn uu ka noqday Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, guddiga arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee qaranka waxa gudoomiye loo doortay Axmed Cabdi Nuur, halka xoghaye loo doortay Cabdilaahi Axmed Yuusuf Madar. Guddiga arimaha dastuurka,garsoorka,cadaalada iyo xuquuqul iinsaanka waxa loo doortay Siciid Cilmi Rooble, halka xoghayna loo doortay Maxamuud Jaamac Warfaa, guddiga deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah waxa guddoomiye loogu doortay Siciiid Warsame Ismaaciil, halka xoghayna laga dhigay Maxamed Baaruud Shide,guddiga arimaha guddaha,difaaca iyo nabadgalyada waxa ay guddoomiye u dooratay Ibraahin Jaamac Cali (Rayte),waxaana xoghaye ka ah Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale. Guddiga arimaha bulshada iyo diinta waxa guddoomiye loo doortay Xasan Cawaale Caynaan, halka xoghayna laga dhigay Abubakar Cabdiraxmaan Good. Guddiga dhaqaalaha,maaliyada iyo ganacsiga waxa guddoomiye loogu doortay Cumar Axmed Saleebaan, halka xoghayn loogu doortay Cabdulqaadir Askar Xasan.