Maayarka Hargeysa Oo Kaadhadh Caafimaad Siiyay 40 Ka Mid Ah Shaqaalaha Hoteelada Cuntada

21
585

Picture2Hargeysa (Geeska) – Maayarka Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid (Soltelko), ayaa shalay amar ku bixiyey in aanay hoteeladda ka shaqayn doonin shaqaale aan haysan kaadhka caafimaad qabkooda caddaynaya, isaga oo sidoo kalena afartankii shaqaale ee ugu horeeyey oo ka tirsan shaqaalaha hoteeladda Magaaladda Hargeysa siiyey kaadhadhkooda caafimaadka, ka dib markii baadhitaan caafimaad lagu sameeyay.

Maayarka Hargeysa  C/raxmaan Caydiid, ayaa sheegay in la ganaaxayo hoteelka iyo shaqaalaha aan haysan kaadhka caafimaad ee uu ku shaqayn lahaa. “Hudheelka loogu yimaado isagoo shaqaalihiisu lahayn kaadh caafimaad waa la ganaaxi doonaa, qofka shaqaalahana waa la ganaaxi doonaa,dhicina mayso inay dib uga shaqeeyaan, ururkan waa ururka kaliya ee aanu u aqoonsanahay inay yihiin ururka xirfadleyda shaqaalaha hoteeladda”ayuu yidhi maayarka Hargeysa C/raxmaan Soltelko.

Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa ayaa shacabka  Magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay ka qaybgalaan iska wax u qabsada lagu dhisayo garoonka xawaadle ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo deyr balaadhan lagu wareejin doono “Bari (Maanta) laga bilaabo dhagaxaanta guryaha horteedda yaalla ee demgadda 26 june gadiidka dawlada hoose way guranaysa cid ay wax ka waydiinaysaa ma jirto, waxaana lagu dhisaysaa dayrka garoonka”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko, waxaanu intaas ku daray “Maalinta isniinta waxa gali doonta dufcaddi u horaysay  ee iska wax u qabso ku dhisi doonta garoonka oo shirkadihii aanu ka codsanay  mid ka mid ahi Injineeradoodu bilaabi doonaan, waxaana Kuulli  ka noqon doona ciyaartoyga iyo golaha deegaanka”

Sidoo kale, waxa uu Maayarku sheegay in shalay la bilaabay jardiimo lagu nasto oo laga hirgalin doono cisbitaalka guud ee caasimadda hortiisa, isla markaana loo samayn doono meel gaadiidku istaagaan oo laga qaado lacag, waxayna noqonaysaa goobtii ugu horeysay ee baabuurta la dhigo lacag la qaado.

 

Comments are closed.