Xisbiga UCID Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Xilka Ka Qaado Wasiirka Ciyaaraha

0
562

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xisbiga  UCID ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ugu baaqay inuu xilka ka qaado Wasiirka Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, isaga oo Xisbigu sheegay inuu ku fashilmay xilkii loo igmaday, inuu kala qeybiyey Dhalinyaradii iyo in aanu wax tartan ah oo Ciyaaro ah aanu qaban.

Xisbiga UCID ayaa sidoo kale waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay dilkii Ciyaaryahan dhawaan la dilay, xadhiga Ciyaaryahanada, waxaana War Saxafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta XIsbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika u dhignaa sidan “Xisbiga UCID waxaa war-murtiyeedkan ka soo saarey qaabkii Xukuumaddu u maamushey dhacdooyinkii Wiigii u danbeeyey Caasimada Hargeysa ka socdey ee Arimihii Dhalinyarada  kana Dhasheen Dilka iyo Dhaawucuba.

Haddaba Xisbiga UCID waxaa uu ka soo horjeedaa Dhamaan wax kasta oo Nabadgalyadda ka Hor imanaya.

Xisbiga UCID waxaa uu u Arkaa Xabada,Xadhiga iyo Dilka  Dhalinyaradda JSL Baaqigii ka hadhey Tahriibka iyo ku Dhimashada Saxaraha inay tahey ( Xasuuq la Xasuuqayo  Dhalinyaradda JSL )

Sidoo kale Xisbiga UCID Xal uma Arko Xabadda Xaasidnimadda ah ee Beerka lagala Dhacayo Mustaqbalkii Barito ee Dalkan Maamulilahaa.

Sidoo kale waxaa uu qabaa in Dhalinyaradda la jiheeyo loona Sameeyo Shaqo Abuur, Xirfaddo (Vocational Training) iyo In Dhalinyarada loo Sameeyo Tartano Kubadeed ama Ciyaaro Heerar Walba leh.

Xisbiga UCID waxaa uu la yaaban yahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cali Siciid Raygal waxaa uu u Madaxweyne Siillaanyo Xilka uga Qaadi La,yahey ee uu  ka dugsanayo  waayo waa wasiir ku Fashilmey Dhamaan Shaqadii loo Doortey tusaale ahaan

1-waxaa uu kala Qaybiyey Dhalinyaraddii JSL

2-waxaa uu ku Fashilmey Qabashadii Ciyaaraha Gobolada,

3-wuxuu sii xoojiyey Qabyaaladii Dhalinyarada Dhexdooda

4-wuxuu kala direy xidhiidhadii Ciyaaraha Markuu Wasiirka Noqdeyba

5-wuxuu dhiiri-galiyey in Somalia ay u shaqo tagaan kuwii madaxda ka ahaa Xidhiidhada oo uu ugu horeeyo (Gudomiyihii xidhiidhka kubada Cagta Somaliland)

6-Waxaa Sababtiisa u maqan Orodyahano qaali ku ahaa JSL oo Maanta Ku Jira Orodyahanada Somalia u orda Magacna u Soo Hooyey dawlada aynu Jaarka Nahey Ee Somalia

Sidaa Awgeed Xisbiga UCID Waxaa uu Soo Jeedinayaa in si deg deg ah looga qaado xilka Wasiirnimo isla markaana loo magacaabo Nin Dhalinyaro ah oo fahmaya waxa Dhalinyaradu u baahan tahey, sidoo kalena u fikiraya sida Dhalinyaraddu u Fikireyso.

Ugu  Danbeyntii Xisbiga UCID waxaa uu Xuukumada ugu Baaqayaa In Dhalinyaradda Loo Sameeyo Qorshe Lagu Jiheynayo  Sida Shaqo Abuur,Xirfado  kala Duwan,  Ganacsi Yar Yar,Ciyaaro Kala Duwan iyo In Loo Fududeeyo Dhaqaalaha La qaado  Dugsiga Sare ilaa Heer Jaamacadeed”.