Xukuumadda Oo Cadaysay In La Sii Daayay Markabkii La Qabtay Iyo Hubkii Saarnaaba

0
632

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay fasaxday hubkii iyo markabkii Mv-Shakir ee dhawaan lagu qabtay magaalada Barbera, waxaana ay sheegtay in madaxweynaha dawlada Suudaan oo xidhiidh la soo sameeyey xukuumada Somaliland uu u xaqiijiyey  in hubka markabkaasi siday ay iska lahaayeen una socday carwo ganacsiyeed ku taala magaalada Abu-Dubey ee dalka Imaaraadka Carabta. Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii shalay ku baahiyay xogo uu helay oo xaqiijiyay in xukuumadu sii daynayso markabkaas.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed  Biixi Yoonis ayaa isna shalay xaqiijiyay in markabkii la sii daayay, waxaanu hadalkan ka sheegay mar uu shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaana uu daboolka ka qaaday in fasaxeen markabkaasi dhawaana uu ka bixi doono magaalada Barbera. "Dawlad ahaan mas'uuliyad ayaa naga saaran gobalka waxii soo galaya badihiisa,Markabkaasi waa uu soo galay sida uu wasiirka daakhiligu sheegay waxaa uu siday hub, hubkaasna waanu qabanay, mas'uuliyad ayey iska saartay wasaarada daakhiliga iyo sirdoonkeedu, waxaa ay soo xaqiijisay sida hubaku sida uu ahaa iyo dhabtu sida ay ahayd, markii aanu ku kalsoonayn warku sida uu ahaa, waxaa dawlada Somaliland la soo xidhiidhay madaxweynaha dawlada Soodaan, waxaa aanu xaqiijinay in markabkaasi uu ku socday Abu-dubey iyo Macradkeeda, markaanu xaqiijinay hubinay hay'adihii caalamkana aanu u sheegnay iyada oo aad ogsoon tihiin in dacaayado fara badan oo aan munaasib ahayn laga sheegay, waxaa aanu goosanay oo madaxweynahii noo soo xaqiijiyey in Markab Sideed allaabood oo kala duwan sida in uu yahay, macradkaana ku socda, macradkaasina uu nala soo xidhiidhay oo uu war sugan soo helay wasiirkeenii daakhiligu, madaxweynaha Somaliland waxaa uu go'aan saday in uu tix galiyo warqadii madaxweynaha Cumar Al-Bashiir uu soo diray, sidaas ayaana aanu ku fasaxnay, waa dawlad aanu walaalo nahay jaarna aanu nahay, asxaab nahay cilaaqaad-na leenahay, arday badan oo reer Somaliland ahina ay jaamacadahooda wax ka bartaan, markaanu markaa ku qanacnay warqadii madaxweynahaa ee madaxweynaheenu arkay ee uu soo xaqiijiyeyna wasiirka arrimaha gudahu waxaa aanu go'aan sanay in aanu markabkaas sii dayno."Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Md:Maxamed Biixi Yoonis oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in markabkaasi aan laga qaadi doonin wax ganaaxa, waxaana uu tibaaxay in ay samaaxeen maadaama hubka uu sida laga leeyahay ayaa uu yidhi dawlad cilaaqaad dheeri uu ka dhaxeeyo Somaliland."Markabka waanu cafinay, mana ka qaadayno wax ganaax ah, maadaama ay dawlad aanu walaalo nahay ay tidhi anag ayaa hawsha leh, xidhiidh weyna naga dhaxeeyo, oo dal aanu walaalo nahay, jaarnimo badana ay naga dhaxayso uu yahay, ganaaxii waanu ka dhaafnay, waanu sii daynaynaa, waana uu baxayaa Insha Allah"Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis.