Wasiirradii Difaaca Iyo Arrimaha Gudaha Iyo Masuuliyiin Ahaa Gacanta Midig Ee Asad Oo La Dilay

0
579

Picture2Dimishiq (Geeska/W.wararka)- Waxaa maalintii shalay qarax lala beegsaday xarunta amniga Qaranka ee dalka Suuriya oo ku taalla caasimadda Dimishiq lagu dilay wasiirro iyo masuuliyiin sare oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen gacanta midig ee uu madaxweyne Bashaar Al-Asad ku hanweynaa in ay gaashaanka u daruuri doonaan kooxaha kacdoonka kaga soo horjeeda xukunkiisa.

Janaraal Daa’uud Raajixah oo ahaa wasiirka difaaca, ku-xigeenkii taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Aasif Shawkat oo qabay madaxweyne Asad walaashii, Taliyihii waaxda la tacaalidda masiibooyinka amniga Xasan Turkumani, wasiirkii arrimaha gudaha Maxamed Shacaar iyo saraakiil sare oo isugu jira kuwo milateri iyo amni ayaa ku geeriyooday qaraxan oo dhacay xilli ay xaruntan ku lahaayeen shir khuseeya arrimaha amniga iyo la tacaalidda kacdoonnada hubaysan ee muddooyinkan dambe faraha baas ku hayey nidaamka keli taliska ah ee madaxweyne Bashaar Al-Asad.

War rasmi ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Suuriya oo laga sii daayey talefishanka dawladda ayaa lagu xaqiijiyey in qarax dhacay subaxnimadii arbacadii shalay ay ku dhinteen masuuliyiintani, waxaanu war murtiyeedkan taliska ciidamadu wacad ku maray in Suuriya laga nadiifin doono waxa uu ugu yeedhay casaabadaha dilka iyo dhagarta.

In kasta oo aanay dawladda Suuriya sheegin qaabka uu qaraxan u dhacay iyo cidda ka dambaysay, laakiin warar ay wakaaladda Reuters ka heshay saraakiil amniga Suuriya ka tirsan ayaa sheegaya in cidda weerarkaa fulisay uu ahaa askari ilaaliye gaar ahaa oo aad uga ag dhowaa Bashaar Al-Asad.

Xaruntan la qarxiyey oo ahayd mid si weyn amnigeeda loo ilaaliyo ayaa la filayaa in cidda weerarka ka dambaysay ay ka mid tahay ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta goobta ku shiraysay ama ka tirsan shaqaalaha hay’adda amniga qaranka, taas oo haddii ay sidaa u dhacdo macnaheedu noqonayo in nidaamka amni madaxweyne Asad uu sii furfurmayo. Waxaa arrintan sii xoojinaya dhismaha weerarku ka dhacay oo ku yaalla goobta lagu magacaabo saddex geesta amniga oo ah meel aad loo ilaaliyo oo ka ag dhow qasriga madaxtooyada Suuriya ahna deegaan ay ku badan yihiin safaaradaha iyo xafiisyada dawladdu.

Maxamed Saciid oo ka tirsan golaha hoggaanka kacdoonka Suuriya ayaa isna talefishanka Aljazeera u sheegay in unug lagu magacaabo Xamza Sayidu-Shuhadaa’oo ka tirsan guutada Islaam ee ka hawlgasha gudaha Dimishiq sida uu sheegay ay ka dambaysay qaraxan iyada oo kaashanaysa mid ka mid ah canaasirta amniga ee dhismahan ka shaqaynaysay oo qolka shirarka ee masuuliyiintu isugu imanayeen ku sii rakibay miino.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha magaalada Dimishiq oo intii hore si u nabdoonayd ka socday dagaallo kulul oo dhex maraya kooxaha kacdoonka ee hubaysan iyo ciidamada Asad, waxaana la arkayey diyaaradaha dagaalka oo si ba’an u rushaynaya qaybo ka mid ah caasimadda.

Raajixah oo ah wasiirka difaaca ee la dilay waxa uu ahaa Masiixi muddo dheer ka tirsanaa ciidamada dalkaas, waxa uu ahaa nin weligiiba aad u taageersanaa xukunka reer Asad, waxa uu isku hayey xilka wasiirnimo iyo weliba ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo uu madaxweynuhu ahaa taliyaha guud. Maxamed Shacaar oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu ahaa nin uu aad ugu kalsoon yahay madaxweyne Asad loona tirinayo in uu gacan weyn ku lahaa cadaadiska iyo cabudhinta, waxaa lagu eedaynayey xasuuqyo hore uga dhacay dalka Suuriya waxaanu ahaa nin adag oo uu madaxweyne Bashaar bilowgii kacdoonnada xilkan uga maarmi waayey si uu u dambiyo kacdoonka.

Aasif Shawkat oo hore u ahaan jiray taliyaha guud ee sirdoonka Suuriya waxaa seedi u ahaa madaxweyne Bashaar waxa aanu ahaa nin aad ay uga baqaan shacabka Suuriya oo lagu yaqaanno dhiirranaan iyo in uu tallaabooyin qallafsan ka qaado cid kasta oo uu ku tuhmo in ay caaridsan tahay xukuumadda uu xididka la yahay. Dad badan ayaa aaminsan in weerarkan iyo dagaalla caasimadda ku soo durkay ay yihiin astaan muujinaysa in tirada maalmaha xukunka qoyska reer Asad ay aad u soo koobmayso.