Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya

0
611

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga mucaraadka ah ee UCID ayaa ka hadlay aragtidiisa Xisbi ahaan hadalka ka dhanka ah Somaliland ee la sheegay inuu ka soo yeedhay Dawladda Itoobiya, waxaanu tilmaamay in aanay wax u jirin sida wax loo sheegayo.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale Xasan, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Madax-banaanida Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Somaliland iyo Itoobiya, waa laba Waddan oo jaar ah oo xidhiidh ka dhexeeyo, way dhacdaa in mararka qaar Waddamadu adeegsadaan erayo diblamaasiyadeed, laakiin hadalkan la sheegay inuu ka soo baxay Dawladda Itoobiya, siyaabo khaldan baa loo turmay oo waxaa muuqata in aad loo buun-buuninayo, laakiin in wax walba la hubsado ayaa daruuriya, maxaa yeelay Itoobiya sida hadalo looga keenayo, ayaa Somaliland hadalo looga geynayaa Itoobiya, markaas in hadalladaas khaldan labada dalba aad uga fiirsadaan ayaa daruuriya, waxaana la raba in xaaladaha hadda taagan in laga faa’iidaysto oo labada dal la iska hor keeno, laakiin taasi ma suurtagalayso, Somaliland iyo Itoobiya inay xidhiidhkooda sii xoojiyaan weeye”.

Mar uu ka hadlayey madax-banaanida Somaliland ayaa yidhi “Somaliland waa Waddan ka mid ah Wadamada Caalamka, inkastoo aan weli ictaarif helin, haddana weynu sugaynaa, oo Beesha Caalamka weynu ka sugaynaa, inaynu nahay dal jira waa markhaati ma doon, sababtoo ah waxaynu xorriyaddii ka qaadanay Ingiriiska, Waddan ina xukuma, oo aynu madax-banaani ka rabnaa ma jiro, ee xor ayeynu nahay ee ILLAAHAY ayeynu tala saaranay, dhibaatadii iyo cadaadiskii aynu kala kulanay Dawladdii Soomaaliya markii aynu la midawnay ayaa wax walba inoogu filan, wixii aynu rabnay iyo waxaynu kala kulanayna maaha wax isku dhaw, ee inaga ayaa dawladnimadeena u tashanay, maantana waxaynu nahay Waddan jira, oo Calan qaaliya oo tawxiidku ku qoran yahay leh”

Dhinaca kale, wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay kuna dhiirigaliyey inay qaranimadooda ilaashadaan, oo meel kasta oo ay joogaan isku duubnadaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office