Axmed Y. Yaasiin Oo Ka Hadlay Shakiga toobiya, Kuna Taliyey Inaan Shiinaha Deyn Laga Qaadan

0
701

Hargeyhsa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladda dalku halka uu marayo,  gaar ahaan aragtidiisa ku waajahan hadalka ka dhanka ka Somaliland ee la sheegay inuu ka soo yeedhay Dawladda Itoobiya, hakadka ku yimid wada-hadalladii Soomaaliya, Xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyey, Doorashooyinka iyo tabashada saami-qaybsiga.  

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay hadalka ka dhanka ah Somaliland ee la sheegay inuu Dawladda Itoobiya ka soo yeedhay ayaa yidhi “Hadalkan siyaabo kala duwan baa sida la sheegay loo turjumayaa, oo waxaaba la leeyahay hadalkan Dawladda Itoobiya kamuu soo yeedhin, sidaas oo ay tahay inagu ma nihin dal loo taliyo oo Soomaaliya ka mid ah, mana nihin dal weli aqoonsi caalamiya helay, waxaana xaqiiqo ah inaynu aqoonsi la ina siiyo xaq u leenahay, markaas wixii jiraaba wey soo bixi doonaan”

Mar uu ka hadlaayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimid ayaa yidhi “Somaliland waxay mar walba ku doodaysaa sharci, waxayna ku taagan tahay gar iyo daw, halka ay  Soomaaliya ku doodayso dood jaban oo aan ka soconayn, Madaxweynaha Somaliland wuxuu si wanaagsan oo waadixa ayuu u garnaqsaday, markaas Soomaaliya ayaa kolba ka meermeeraysa wada-hadallada oo waxay la timaado ayey garan la’day, inkasta oo imikana culays iyo buuq dhexdeeda ka jiro, laakiin Caalamka waxaanu u sheegayna inay Somalilad gar iyo daw ku taagan tahay, halka ay Soomaaliyana dood jilicsan oo aan soconayn ay la soo taagan tahay, laakiin sinaba suurtagal u noqon mayso in Calanka Soomaaliya, Somaliland laga taago, calankeena tawxiidka ahina uu meesha ka baxo, waana habeenkii Xalay ahaa ee tagay in Calanka tawxiidku uu hoos yimaado Calanka Soomaaliya, maxaa yeelay wax kasta oo dhaca iyo dhib kasta oo timaada sinaba suurtagal kuma noqonayso in Calankeena oo kalmada ugu qaalisa if iyo akhiraba oo ah tawxiidku ku qoran yahay inay meesha ka baxdo, dhanka kale Soomaaliya waxay noo daba socota ayaa ah in  dalkeena uu ka buuxo khayraad dhanka bariga iyo baddaba ah, markaas khayraadkeenaas ayey inoo quudhi la’dahay”.

Mar aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku waajahan Xukuumadihii talada dalka u kala dambeeyey ayuu ku jawaabay “Xukuumadihii kala duwanaa ee talada dalka iskaga dambeeyey Xukuumad walba wax bay qabatay, ka soo bilaw ALLE ha u naxariiste labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey ee dalkeena soo maray, Xukuumadayadii, Xukuumaddii naga dambeeysay  iyo Xukuumaddan Maanta joogtaba, mid waliba wax bay qabatay, waxaana dhab ah inaynu ka soo gudubnay marxalado iyo duruufo adag, oo wakhtigooda iyo waayahooda watay, maantana masha alllaah meel fiican baynu maraynaa, muddadaas aynu ahayn Somaliland ee ku dhaw 30 sanno, dalkeena waxaa ka hirgalay nidaamka dawladnimada, Dimuqraadiyad, iyo Doorashooyin Madaxtooyo, Goleyaal Deegaan iyo Wakiillo, insha allaah Ictiraafkuna uu iska iman doonaa”.

Mar uu ka hadlayey waxay iska shabahaan Xukuumaddiisii UDUB iyo Xukuumaddan Kulmiye ayaa yidhi “Anagu wakhtigayagii xoogga waxaanu saarnay xidhiidhka Beesha Caalamka, waxaana si gaar ah xoogga u sii saarnay Wadamada Afrika, sidaas darteed Xukuumaddana talabaadaas mid la mid ah ayey qaaday oo xoogga waxay saartay xidhidhka Beesha Caalamka, gaar ahaan xidhiidhka Wadamada Afrika,  Wasiirka Arrimaha Dibeddana marka uu dal qabanay iyo marka uu ka imanayo, hadda lama ogaado, qorshahaasina waa qorshe fiican, si kasta oo ay tahayba Maanta meel fiican baynu maraynaa ee halkaas dedaalka iyo aqoonsi raadinta ha laga sii wado”.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,wuxuu soo jeediyey talooyin xal lagaga gaadhi karo tabashada saami-qaybsiga, waxaanu xusay in Golaha Wakiillada ee hadda jooga in loo kordhiyo laba sanno, oo intaas tiri koob la sii sameeyo, ama in wakhtigan bilaa tiro-koob lagu galo, oo Golaha dambe ee iman doona ay tirikoobka sameeyaan, waxaanu xusay inay arintan haboonayd in mar horeba wax laga qabto.

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in Somaliland looga baahan yahay inay xidhiidh fiican la yeelato Beesha Caalamka, waxaanu si gaar ah uga digay in Chine laga qaato lacago daymo ah oo mustaqbalka khatar iyo culays ku noqon kara Somaliland, waxaanu ku baaqay in khilaafka Itoobiya iyo Masar Somaliland dhex-dhexaad ka ahaato mar walba.

 Geeska.net/Hargeisa Office