Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Tiro-koob Dadweyne Samaynayso

0
650

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Tiro-koobaysa Dadweynaha ku dhaqan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee ugu waaweyn dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadal u jeediyey Golaha Wakiillada Toddobaadkan ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan rumaysan yihiin in inkasta Miisaaniyadda Qaranku yar tahay haddana ay ku filan yihiin inay Tiro-koob ku sameeyaan Dadka ku dhaqan Dalka, gaar ahaan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee dalka ugu waaweyn, taana ay qorsheeyeen inay fuliyaan Sannadka soo socda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu aamisan nahay Wasaarad ahaan Miisaaniyadda Qaranku haba koobnaato’e in tiro-koobka wax laga samayn karo, waxaanu isku dayeynaa in Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ka samaynayo Sannadka soo socda haddii Allaah yidhaahdo (Tiro-koobkooda), oo weliba guri guri la isku taagayo, Guri walba inta Qof ee ku nool la tiro-koobayo, Qofkii yidhaahda waa la iga tagay la yidhaahdo meel Gurigaagu.”

Wasiir Gaafaadhi waxa kale oo uu sheegay inay Hay’daha dalka ka shaqeeya isku hayaan inay Dadkii Abaaraha ka soo barakacay ee xilligan Xeryaha ku jira xoolo loo iibiyo inta doonaysa inay noloshii Baadiyaha ku noqdaan, inta kalena la baro xirfado ay ku shaqaystaan “Waxaanu hay’adihi isku haynaa in Dadka wixii diyaar u ah inay xoolo qaataan oo ay dib ugu noqdaan (Miyiga) la xooleeyo, wixii kalena in farsamooyin la baro ay ku xoogsan karaan, laakiin aan Dadkii lagu haynin Xeryaha, Waayo? Dadku Xeryaha way ku baaba’een, Cid aan la garanayn ayay ku tiirsan yihiin, goorta laga goyn doona ma oga, dhaqanna maaha oo dhaqan xumo ayaa ka kordhaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaaladaha deg-degga ahi markay yimaaddaan, waa inuu muddo gaaban ahaadaa, wixii dambe waa inay ahaadaan sidii Dadkan loogu celin lahaa Nolol ay shaqaysan karaan, laakiin hadda waxaad mooddaa in laga door-biday in Lacagta Mobile-ka loogu shubo, taana aadna waanu uga soo horjeednaa, gacantana waxaanu ku haynaa habkii loo Mabnuuci lahaa waxyaabahaasi inay sii socdaan iyo wixii lagu beddeli lahaa.”

 Geeska.net/Hargeisa Office