Xisbiga UCID Oo Ka Digay Shirkad Ay Sheegeen In Wasiirka Duulistu U Maxlalayo Hawada Somaliland

0
532

pppHargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, dusha ka saaray masuuliyada khiyaamo ay sheegeen inay shrikadda ATA airlines ku shaqaysanayso.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray xoghayaha warfaafinta ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, wuxuu ku sheegay in wasiir Maxamuud Xaashi hawada Somalialnd u maxlalayo shirkadaas oo uu sheegay inay kacday. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:  Xisbiga UCID wuxuu Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in Waziirka  Duulista Iyo Hawada Mohamed Hashi ka  Masuul Ka Noqon Doono Khiyaamada Shirkada Sheegata  “ATA airlines” si ay ugu shaqaysato magaca masuuliyadda Hawada Somaliland

Xisbiga UCID wuxuu uga digayaa Xukuumadda Silaanyo inaan shacbigu ka aqbali doonin Waziir Mohamed Hashi  inuu lahaanshaha Hawada Somaliland u Maxlalo Shirkadda Kacday ee “ATA Airlines” , laguna lunsado Hantida Qaranka.

Waxaa dhawaan dalka lagu soo galbiyay wafdi ka socday maamulka shirkadan cusub ee la yidhaa “ATA Airlines” oo ay horkacayeen niman reer Somaliland ah iyagoo dalka iyo dadkaba ugu Bushaaraynayay in ay ku soo kordhiyeen shirkad lagu raaci doono qiimo jaban lagana heli doono adeegyo/suuban.

Haddaba waxaan rabnaa in aanu  xaqiiqda shirkadan Soo Ban  Dhigno maadama ay geeska afrika baryahan danbe ay ku soo kordheen budhcad noocya badan oo ay gadhwadeen ka yihiin niman aynu saanta iyo muuqaalkaba wadaagno hase ahaate aynu kala fognahay damiir iyo dadnimaba.

Sidaa Awgeed shirkadan la yidhaa “ATA airlines" waa shirkadaha nooca loo yaqaan (charter airlines) oo ah noocyada cid walba kiraysan karto oo dano gaar ah leh, sida xamuul (cargo) ama adeega degdega ee ambulance ama ganacsi ahaan loo kiraysto dawlad iyo shiciba taas oo ka duwan diyaaradahan haatan aynu raacno oo loo yaqaan (individual aircraft seats) oo ku salaysan ganacsigoodu kursi iibis (selling seats).

Xaruunta diyaaradan waxay ahayd (Indianapolis, Indiana). Markay taariikhdu ahayd bishii April labadeedii 2008 ayuu maamulkii diyaaradani buuxiyay kiis ah inuu kacay isagoo cuskanaya qodobka daryeelka 11 ee xeerka kicitaanka ama (fallaska) ee maraykanka sababtana ka dhigay khasaaro badan oo soo gaadhay. Shirkadan ATA waxay ka hoos shaqaysan jirtay (subcontracter) shirkada Fedex Express oo xamuul u qaadi jirtay ciidanka maraykanka. Duulimaadkii ugu danbeeyay ee ATA waxa u ahaa socdaalka lambarkiisu ahaa 4586 ee ka kacay Honolulu ilaa phoenix iyagoo dib uga dhacay waqtigii la rabay inay kacdo 2 saacadood. Sidaa darted waxay shaaca ka qaadeen in ay dhamaan joojiyeen wixii adeeg shaqo ahaa marka laga bilaabo 4.00 subaxnimo ee ay bishu ahayd 3dii April 2008.

Shirkad kale oo la yidhaa Southwest airlines ayaa ku iibsatay iyagoo wali ku jira qodobkii fallasaada ama kicitaanka ee 11 xeerka maraykanka qiimo gaadhaya 7.5 milyan doolar taas oo ay ku hantiyeen dhamaan wixii ay hanti lahayd (assets) oo ay ku jirto rukhsadii dhaqdhaqaaqu

Waxaa halkaa ka cad in shirkadu amaah (debt) ku jirto oo aan loo ogolayn inay magaceeda ku shaqaysato. Sirta ugu wayn ee ay ka damacsan yihiin inay ku shaqaystaanay tahay magaca qaranka Somaliland si ay ugu suurtagasho inay saamiyo ka iibsadaan kana ganacsadaan suuqyada saamiyada suuqa caalamka (stock exchange) ee London ama US ama si gaar ahna suuqa saamiyada ee loo yaqaan AIM oo ay dhamaan ku jiraan shirkadihii shidaalka Somaliland iibsaday baloogyadooda.

 Ha hilmaamin akhriste heshiiskii Somaliland iyo Somaaliya dhex maray dhanka hawada, taas oo shirkadan siinaysa saami ay kula gorgortanto qaybsigaas iyadoo matalaysa magaca Somaliland.

Haddaba Su’aashu waxay tahay miyayna ogayn masuuliyiinta horkacayay xaqiiqada shirkadan la doonayo in loo loodiyo hantida qaranka (Somaliland national carrier flag licence) ? Jawaabtu waxa weeye way ogyihiin.

Mana Garaneyno Sababta Shacbiga Somaliland Loogu Qarinayo Shirkadan Waa Hore La,laabatey

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Wasaarada Duulista Iyo Hawada Ugu Baaqayaa In Si Deg Deg Ah Ugu Cadeyso Shacbiga Shirkadan La Tahriibinayo Ee Aan Sifaha Sharciga ah Soo Marin.”