Xisbiga UCID Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigay Murashax Dhallinyaro Ah

1
554

 

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID ayaa soo bandhigay musharaxa uga qeyb galaya doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeisa , kaasi oo lagu magacaabo musharax Cabdoo Cismaan Axmed(cabdoo Qiyaas).

Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta ugu sarsaraysa xisbiga oo uu hormoodka yahay musharaxa jagada madaxweyne Aqoon yahan Jamaal Cali xuseen. Xaflada ku dhawaaqista musharaxan oo ka dhacday hotel casaloma ee magaalada Hargeysa ayaa hadalo kala duwan oo ay  ka jeediyeen dadkii halkaasi ka Hadley oo ya ka mid ahaayeen Cuqaasha beesha uu ka soo jeedo,iyo masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah xisbiga Ucid oo uu ugu horeeyo musharaxa madaxtinimo Jamaal cali xusen kaasi oo musharaxa soo dhaweeyey  kuna hambalyeey sida geesinimada leh ee uu iskugu soo sharaxay tartankan golaha deegaanka ee caasimada hargeisa, waxaana uu sheegay in uu yahay musharaxu nin karti iyo aqoon u leh hawsha uu maanta(shaley)uu iskugu  soo taagay ee golaha deegaanka kaasi oo hadii la doorto wax badan ku soo kordhin kara caasimada Hargeysa, waxaana uu Jamaal u soo jeediyey taageerayaashiisa in ay codka ugu deeqaan si ay hadhow ula xisaabtan taan marka uu guuleysto.

sidoo kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay ku xigeenka xoghaya guud ee xisbiga ucid c/naasir yuusuf cismaan iyo gudoomiyaha garabka haweenka xaliimo cismaan raage waxaanay dhammaantood si isku mid ah usoo dhaweeyeen murashaha golaha deeganka oo ay sheegeen inuu yahay qof aqoon iyo kartiba u leh hawsha uu u taagan yahay. Sidoo kale waxaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyey musharaxa golaha deegaanka caasimada hargeisa cabdoo cismaan axmed (qiyaas) waxaana uu u mahad celiyey dhamaan taageerayaashiisa ka soo qeyb galey xafladan waxaana uu u ballan qaaday haddii uu ku guulaysto jagada inuu wax badan ka badali doona nidaam deegaaneedka caasimadda hargeisa.Waxaana uu taarayaashiisa usheegay  in sida ay isu garabtaagan hadda uu hadhow wax uugu qaban doono xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha musharax iyo xisbiga Ucid.

Comments are closed.