Hargeysa: Urur Siyaasadeedka Wadani Oo Soo Bandhigay Murashax

0
564

 

wadaniHargeysa(Geeska )-Urur siyaasadeedka Waddani ayaa  munaasabad balaadhan ku soo dhaweeyey musharax Maxamed Cabdi Xariir, oo ururka Waddani uga tartami doona doorashada golaha deegaanka caasimada Hargeysa.

 

Munaasabadan oo lagu qabtay  Hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta urur siyaasadeedka Waddani oo uu horkacaayay gudoomiye  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ,mudanayaal ka tirsan golayaasha sharci dejinta ee dalka,cuqaal,salaadiin iyo dadweyne rito badan oo musharaxn si kal iyo laaba ah u   taageersanaa.

Ugu horayntii Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac oo ah caaqilka musharaxan isku soo taagay golaha deegaanka oo munaasabadaas furay ayaa si adag u taageeray musharaxan, waxaanu ka codsaday dedweynaha inay codkood ugu deeqaan musharax Maxamed Cabdi Xariir, Gudoomiye ku xigeenka Sadexaad ee urur siyaasadeedka Waddani Cabdilaahi Siciid Dheer oo ka hadlay munaasabadan lagu soo bandhigayey musharaxa ururkaas uga tartami doona gobolka Maroodi-jeex ayaa  sheegay  in musharaxan ay u rajaynayaan inuu ku soo baxo doorashada golaha deegaanka. Musharaxan loo qabtay munaasabada ee iska soo sharaxay urur siyaasadeedka Waddani Maxamed Cabdi Xariir oo isaguna munaasiban ka hadlay ayaa dadweynihii munaasibada soo buux dhaafiyey ugu mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen codsigiisii, waxaanu ka codsaday inay codkooda siiyaan marka la gaadho doorashada golaha deegaanka waxaanu yidhi “Waxaan u mahad-naqayaa dadka ka soo qaybgalay munaasabadan lagu shaacinaayo musharaxnimadayda, waxaan u balan qaadayaa hadii aan ku soo baxo doorashada golaha deegaanka inaan wax badan ka qaban doono bilicda caasimada iyo qashinka buux dhaafiyey wadooyinka magaalada Hargeysa,waxaanan rajaynayaa in aydaan codkiina qoomamayn doonin.”

Ugu danbayntii gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in ururka Waddani garab taagan yahay musharaxan“ Waxa farxad wayn noo ah inaanu ka soo qayb galno munaasabadan lagu shaacinaayo musharaxnimada Maxamed Cabdi Xariir, musharaxani waxa uu cadeeyey inuu yahay deegaanka Hargeysa,waxaan ugu ducaynaynaa inuu ilaahay u fududeeyo hawsha uu musharaxu galayo.”