Hargaysa( Geeska )- Ururka CRRD ayaa baaq ugu diray dhamaan ururada iyo xisbiyada qaranka inay xooga saaran sidii ay ugu soo sharaxi lahaayeen golayaasha deegaanka dad dhalinyaro ah, si ay u gutaan waajibaadka dastuur ee ah inay ka qaybqaataan ama cod ku yeeshaan arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha Dalka.
Ururkan CRRD ( Charity For Rehabilitation Reseach And Development ), ayaa si gaar ah xisbiyada qaranka ugu baaqay inay ahmiyada siiyaan dhalinyada dalka, waxaanu sida oo kale ururkan CRRD ugu baaqay dhalinyarada inay u dhabar adaygaan caqabadaha hortaagan musharaxnimadooda oo ay ka gubaan.
Ururkan CRRD waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha fulinta ee ururkaas Maxamed Cabdillaahi Xasan, oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Iyadoo CRRD ay dedaal dheeraad ah usoo gashay sidii loo yarayn lahaa caqabadaha hortaagan dhalinyarada Somaliland, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuur ee ah inay ka qeybqaataan ama cod ku yeeshaan arimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland. Caqabadahaas oo ay ka mid ahaayeen da’da ka qaybgalka tartanka doorashooyinka ee golayaasha deegaanka ee uu qeexay xeerka No 20 ee dastuurka Somalilnd, kuna guulaysatay sidii meesha looga saari lahaa caqabadahaas.
Waxa maanta la taagan yahay dhaqangalinta xeerkaas wax ka bedelka lagu sameeyay taasoo uu waajibaad ka saaranyahay lixda urur iyo sadexda xisbi qaran. Sida la wada ogsoonyahay waxa jira ururo ku amaanan soo sharaxida dhalinyarada, inkasta oo ay jiraan qaar ilaa iyo imika aan soo sharaxin ama aan siinin ahmiyad weyn sidii ay u soo sharaxi lahaayeen dhalinyarada ama ay aad u yartahay tirada dhalinyarada ee ay ururda ama xisbiyadu soo sharaxaan. Waxaan halkan waliba si gooniya ugu xusaynaa inay sadexda xisbi qaran iska saaraan masuuliyad gooni ah sidii ay u dhiiri galin lahaayeen dhalinyarada isa-soo sharaxaysa, maadama oo ay ka heleen codad badan dhalinayrada doorashooyinkii hore loo soo qabtay.
Ugu danbayn waxaan ku boorinaynaa ururada iyo xibiyada in maalmaha yar ee ka hadhay gudbinta liiska musharaxnimada ay xooga saaraan sidii ay u heli lahaayeen dhalinyaro u tartanta golayaasha deegaanka ee Somaliland. Waxaanan si gooni ah baaq ugu soo jeedinaynaa dhalinyarada inay ku dhiiradaan inay iska soo sharaxaan dhamaan ururda iyo xisbiyada hadda jira, iyaga oo isku deyaya inay ka gudbaan caqabadaha tirada badan ee hortaagan musharaxnimadooda.”
Comments are closed.