Xisbiga UCID Oo Cududiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Degmooyinka Iyo Gobalada

0
553

 

ilamaHargaysa( Geeska)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa maalintii labaad ee ololaha doorashada golayaasha deegaanka guud ahaan gobalada dalka ku soo bandhigay cududiisa taageero, iyad oo taageerayaal tiro badan oo xisbigaas u soo baxay ay fagaarayaasha kala duwan  ee dalka kula hadleen masuuliyiinta sarsare ee sibiga UCID.

 

Beerta Xoriyada ee magaalada Hargaysa oo ay soo buux dhaafiyeen tiro badan oo kamid ah dadka reer Hargaysa, una badnaa dhalinayro waxa kala soo qaybgalay isku soo baxan dhoolatuska ahaa gudoomiyaha xisbiga UCID,musharaxa jagada madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinka goobtan ka hadashay ayaa codsaday in loo codeeyo musharaxiinta xisbiga UCID, si ay wax weyn uga badalaan shaqooyinka ay qabtaan dawladaha hoose ee dalku, sida oo  kale waxa ay dhaliilo u soo jeediyeen golayaashii deegaanka ee hore, iyaga oo sameeyay balanqaadayo.

Waxa isla beerta Xoriyada ee magaalada Hargaysa dadweynaha kula hadlay inta badan musharaxiinta u tartamaaya xisbiga UCID, waxaanay dhamaantood si siman u codsadeen in loo codeeyo, isbadalna ay muujin doonaan, arimaha bulshadan ay wax weyn ka tar doonaan.

Ugu horayn xoghayaha guud  ee xisbiga Ucid Axmed Kayse oo la hadlay taageerayaasha  xisbiga Ucid ee isugu soo baxay xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa  waxa uu uga mahad celiyey taageerada ay u muujiyeen xisbiga Ucid waxaanu  yidhi “Taageerayaasha xisbiga Ucid iyo musharaxiintiisaba waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay u muujiyeen taageerada xisbiga Ucid, xisbiga Ucid siyaasada uu ka leeyahay dawladaha hoose waxa weeye inay dawladaha hoose si weyn uga qayb qaataan dhismaha qaranka, waxaanay  ina siiyaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha sida bilicda magaalooyinka iyo qurxintoodaba, waxaana noo qorshaysan inaanu waxyaalo badan ka qabano caqabadaha hor taagan horu marka dawladaha hoose.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe  oo taageerayaasha xibiga kula hadlay fagaaraha beerta xoriyada ayaa codsaday in loo codeeyo musharaxiinta golaha deegaanka ee xisbiga UCID, isla markaasna ay wax weyn ka taridoonaan adeegyada muhiimka ah ee ay u baahntahay magaalada Hargaysa “ Doorashadan la galyaa waa tii dawladaha hoose, waxa la dooranayaa dawladii hoose ee dagmo kasta, waa dadkii dagmadaas ka shaqayn  lahaa, waxa hada muuqata in aan imika dawladaha hoose aanay shaqadoodii qaban, shaqada qudhiya ee ay qabtaana ay tahay inay dhulka iibsadaan, waxaanu jacelnahay inaad dadkaas soo saartaan oo ay maamulaan magaalooyinkeena,magaaladeena Hargaysa waa tuulo waynaatay ee uma eeka caasimad, magaca ayuunbay qaadatay, waxaan jacelnahay inaan bilic u samayno oo aanay mardanbe caruurteenu ku ciyaarin wadooyinka, ee aan u samayno garoon kubadeed, biyahana la wadagaadhsiiyo, nadaafadeedana laga shaqeeyo, meel casarkii hooyooyinka iyo caruurtu ay ku tamashleeyaan oo ay ku nastaan loo sameeyo.”

Ugu danbayntii waxa fagaaraha beerta xoriyada hadalo kooban uga jeediyay taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee UCID musharaxa madaxweyne ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, waxaan hadaladiisii kamid ahaa “Maanta magaalada Hargeysi waxay  muujisay taageerada ay  u hayso xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanan rajaynaynaa inaad codkiina siisaan xisbigan cadaalada iyo daryeelka, waana hadii aad doonaysaan inaad jaanis noo siisaan inaanu baarlamaanka iyo madaxtooyada aanu awood ku yeelano si aanu idinka wax idiinku  qabano.”

Taageeryaasha xisbiga UCID iyo masuuliyiintooda ayaa intaas kadib ku soo wareegay wadooyinka halbawlaha ah ee magaalada Hargaysa, iyaga oo dadweynaha u muujinaayay codudooda taageero.